IRAAN OO LAGA DILAY SARAAKIIL SAR SARE OO CAAN AH.
(SAWIRKA)-SARAAKIISHII IRAAN LAGA DILAY QAARKOOD.
(TEHRAN)-Dagaal socday muddo12-maalmood ah una dhaxeeyay Iran iyo Isra’iil ayaa joogsaday ka dib markii xabad joojin uu Mareykanka soo jeediyay ey dhaqan gashay 24-kii-Juun-2025-ka. Iska horimaadkan ayaa ahaa kii ugu dheeraa ee si toos ah u dhexmara labada dhinac ee iska soo horjeeda, kaasoo sababay khasaare naf iyo maalba leh oo soo kala gaaray labada dhinac. Israa'iil waxay geysatay waxyeellada ugu badan maalintii ugu horeeysay ee iskahorimaadka, 13-kii bishaan Juun, iyadoo duqeysay xarumaha muhiimka ah ee Militariga iyo Nukliyeerka ee Tehraan iyo magaalooyin kale waxa eyna ku dishay Taliyeyaal Sare oo Militari iyo Saynisyahano Nukliyeer ah. Iran ayaa qaaday weeraro aargudasho ah oo isugu jira gantaallo iyo kuwa aan duuliyaha lahayn, kuwaasoo khasaare baaxad leh ka geystay qaybo kala duwan oo Israa'iil ah. Halkan waxaa waxaan idinkula wadaagayaa liis ey ku qoran yihiin Taliyayaashii ugu Sareeyey ee Ciidamada Iran ee lagu dilay duqaymaha Israa'iil inta uu socday iskahorimaadka, magaca Darajad iyo xilka uu haayey nuuca uu ahaa:
(1)-S/Gaas.Moxammad Bakheri, Bakheri, waxa uu ahaa Taliye Ruug-caddaa ah oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), waxa uuna jagooyin badan oo muhiim ah ka soo qabtay ciidamada qalabka sida ee Iran tan iyo sannadkii 1979. Sannadkii 2016, waxaa loo magacaabay Taliyaha ugu Sareeya ee Militariga Hoggaamiyaha Sare ee Ayatullah Ali Khameyni. Cunaqabataynta uu saaray Maraykanka, Bakheri waxa loo yaqaanay Istiraatijiyad Milatari oo wax ka beddelay ciidamada qalabka sida ee Iran ka dib markii uu Maraykanku dib u soo celiyay cunaqabatayntii iyo iska horimaadyadii milatari ee Maraykanka iyo Israa'iil.
(2)-S/Gaas. Xuseen Salaami, Salami waxa uu ahaa Taliyaha ugu Sareeya Ilaaladda Kacaanka dalka Iraan ee IRGC tan iyo bishii April 2019. Waxa uu door muhiim ah ka ciyaaray dhacdooyinkii Janaayo 2020, markaasoo IRGC ey beegsatay Saldhig Milatari oo Maraykanku ku leeyahay Ciraaq si ey uga aargoostaan dilkii Taliyihii ugu sareeyay Iran Qaasim Soleymani. Waxa uu ahaa nin aad u dhaleeceeya Maraykanka iyo Israa’iilba, waxana uu aaminsanaa in joogitaanka ciidamada Maraykanka ee gobolka uu yahay isha xasilooni darro iyo fowdo.
(3)-S/Guuto. Amir Cali Xajizadeh, Xajizadeh, oo ahaa Taliye kale oo si weyn loo yaqaan, ayaa la dilay 13-kii June. Waxa uu ahaa Taliyaha qaybta Hawada Sare ee IRGC, waxa uu ahaa naqshadihii ka dambeeyay Gantaalada Iran iyo Tignoolajiyada aan duuliyaha lahayn, kuwaasoo door muhiim ah ka qaatay dagaalkii 12-ka maalmood socday. Waxa uu xilkan hayey tan iyo 2010 waxaana loo tixgeliyey hanti istaraatiijiyadeed ee IRGC. Inkastoo uu mararka qaar warbaahinta la hadlaayay, haddana ciidamada IRGC waxay sameeyeen dadaallo badan oo ey ku doonayaan iney ka fogaadaan indhaha shacabka si loo sugo ammaankiisa.
(4)-S/Gaas.Gulaam-Cali Rashiid, Rashid waxa uu Madax ka ahaa Xarunta Dhexe ee Khatim AL-Anbiyaa ee Iran, oo ah xarunta awoodda leh ee midaysan ee Taliska ciidamada qalabka sida ee Iran. Waxaa la dilay 13-kii June, isaga iyo Taliyayaal kale oo sarsare. Waxa uu ka mid ahaa saraakiishii Ruug-caddaa ee IRGC ee ka soo qayb qaatay dagaalkii Iran iyo Ciraaq, waxa uuna xilal wax ku ool ah ka soo qabtay ciidamada qalabka sida tan iyo 1979-kii, waxaana lala dilay wiil yar oo uu dhalay.
(5)-S/Gaas. Cali Shadmani, Shadmani waxa uu Rashid ka beddelay Taliyaha xarunta dhexe ee Khatim AL-Anbiya. Maalmo ka dib ayaa la dilay, waxaana dilkiisa la xaqiijiyay kaliya 25-kii June.
(6)S/Gaas. Moxammad Kazemi, Kazemi ayaa hogaaminayay Ururka Sirdoonka ee IRGC tan iyo 2022. Waxaa sidoo kale lagu dilay weerar ey Israa'iil fulisay 13-kii June.
(7)S/Guuto. Mahdi Rabbaani, Rabbani wuxuu ahaa Ku Xigeenka Madaxa Guud ee Hawl Galka. Sidoo kale waxaa dishay Israa’iil 13-kii June.
(8)S/Gaas. Gholamreza Mehrabi, Mehrabi wuxuu ahaa Ku Xigeenka Madaxa Sirdoonka Militariga Iran. Waxaa la dilay 13-kii June. Liiska Saraakiisha Militariga ee Iran lagu dilay waxaa sidoo kale ku jiray S/Gaas. Muxsin Bakheri, oo ahaa Ku Xigeenka Madaxa Sirdoonka IRGC, iyo S/Gaas. Maxammad Jacfar Asadi, Ku Xigeenka isbatooraha guud ee Xarunta Khatim AL-Anbiya.
(9)-S/Guuto. Mascuud Shanaay, oo ahaa Madaxa Shaqaalaha ee Taliyaha IRGC Salami, ayaa ka mid ah dadka la dilay 13-kii June, isaga iyo S/Gaas. Maxammad Reza Nasir Baghban, oo ahaa wakiilka Taliyaha IRGC ee Qeybta Sirdoonka.
(10)-S/Guut. Amir Purjodaki, oo ahaa Taliye Ku Xigeenkii qeybta Hawada Sare ee IRGC, ahaana kaaliye aad ugu dhowaa Xajizadeh, ayaa sidoo kale la dilay 13-kii June. Taliyayaasha kale ee lagu dilay weeraradii lagu qaaday Xarunta Hawada ee IRGC waxaa ka mid ahaa (11)-S/Guuto.Khosro Xasani, Ku Xigeenka Madaxa Sirdoonka ee qeybta Hawada Sare ee IRGC. (12)-S/Guuto. Mansuur Safarpour, Taliyaha qaybta Hawada Sare ee IRGC ee Tehran iyo saraakiisha sare ee Hawada Sare, (13)-S/Guuto. Mascuud Tayeb iyo Javad Jarsara. Taliyaha Difaaca Cirka ee IRGC, (14)-S/Guuto. Davoud Sheikhyan iyo Taliyaha Qaybta Drone-ka ee IRGC (15)-S/Guuto. Maxammad Baqer Taherpour ayaa sidoo kale la dilay. (16)-S/Guuto. Mohammad Saciid Izadi, Madaxa miiska Falastiin ee ciidamada IRGC Quds, iyo (17)-S/Guuto. Behnam Shahryari, oo ahaa Madaxa cutubka 190-aad ee ciidamada Quds, ayaa sidoo kale ka mid ahaa taliyayaashii sare ee ciidamada Quds ee la dilay. Taliyaha Ciidanka Quds ee IRGC, Ismaaciil Qaani, oo markii hore la rumeysan yahay in la dilay, ayaa Talaadadii ka soo muuqday isu soo bax dadweyne oo ku yaala Bartamaha Magaalada Tehran. Taliyayaashii kale ee naftooda ku waayey waxaa ka mid ahaa (18)-S/Guuto. Mohammad Taghi Yousefvand, Madaxa Sirdoonka Basij, iyo (19)-Jineral. Meysam Rizvanpour, Taliye Ku Xigeenka Basij, oo ah ciidan iskood u shaqeysta. (20)-S/Gaas. Amir Mozaffarnia, oo ah Madaxa Ururka hal-abuurka difaaca iyo cilmi baarista ciidamada qalabka sida, ayaa sidoo kale ka mid ah dadka dhintay. Dhowr taliyeyaal sare oo militari oo ka yimid bartamaha gobolka Alburaz ayaa sidoo kale la dilay, oo uu ku jiro (21)-S/Guuto. Seyed Mojtaba Moeinpour, Madaxa Shaqaalaha IRGC ee Alburaz, (22)-S/Guuto. Mojtaba Karami, Taliye Ku Xigeenka IRGC ee Alburaz iyo (23)-S/Guuto. Akbar Enayati, Ku Xigeenka Taliyaha Arrimaha Bulshada ee Alburaz. (24)-Jineral. Alireza Lofti, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Booliska (SAFA), iyo (25)-Sareeye Guuto.Cabaas Nuuri, oo ahaa Taliye Ku Xigeenkii Saadka, ayaa sidoo kale ka mid ah dadka la dilay.
ISHA-AA.