MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD AYAA KULAN QADO SHARAF AH LA QAATAY MADAXDII HORE EE DALKA.
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH IYO MASUULIYIIN HORE.
(JIBOUTI)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Jabuuti ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan qado sharaf ah uu ku maamusay Madaxdii hore ee Dalka, ka dib ka qayb galkii Munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliya ee Carta ayaa la wadaagay warbixin ku saabsan Qorshaha Qaran ee Dowlad dhiska, Horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha, Dhamaystirka Dastuurka, dardar galinta nidaamka Axsaabta badan, Amniga iyo Ciribtirka Argagixisada. Dhankooda, Madaxdii hore ee Qaranka ayaa bogaadiyey Guulaha la gaaray, iyaga oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay talooyin wax ku ool, waxayna hoosta ka xariiqeen ahmiyadda ay leedahay hirgelinta Doorasho Dadweyne iyo Adkeynta tiirarka Dowladnimada dalkeenna Soomaaliya. Dhianaca kale,shalay ayey ahayd markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu Billad Sharaf Qaran ku maamuusay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo uga mahadceliyay dadaalka, taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee uu shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed u muujiyay muddadii uu haayay Hoggaanka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Billaddan ay tahay Astaan u taagan walaaltinimada, iskaashiga iyo ixtiraamka ka dhexeeya labada shacab ee Soomaaliyeed iyo Jabuuti, isagoo tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay xusayaan miro-dhalkii Shirweynihii Nabadda ee Carta ee la qabtay sannadkii 2000.
XIGASHO SNTV.