DG WAQOOYI BARI SOOMAALIYA OO EEDEYN CULUS U JEEDIYEY DG PUNTLAND.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA WAQOOYI-BARI SOOMAALIYA.

(LAASCAANOOD)-BREAKING NEWS: Wararka laga helaayo caasimadda Dawlad Goboleedka Waqooyi-Bari Soomaaliya ee Laascaanood ayaa sheegaayo in Maamulka Waqooyi Bari uu ku eedeeyay DG Puntland iney weerar kusoo qaadeen degmada Boocame ee Gobolka Sool. War ka soo baxay maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa lagu sheegay in iska hor imaad galabta ka dhacay Boocame uu sababay dhaawacyo, iyagoo ku eedeeyay ciidamo ka amar qaata Madaxtooyada Puntland inay weerar ku soo qaadeen degmadaas. Guddoomiyaha degmada Boocame, Mahdi Rashaad, ayaa sheegay in ujeedada iska hor imaadka ay ahayd β€œin qalqal amni laga abuuro magaalada Boocame,” sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale, maamulka Puntland weli kama uusan hadlin eedeynta uga timid DG Waqooyi Bari. Boocame waa degmada uu kasoo jeedo Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor, kaasoo horey u sheegay inay qayb ka tahay Puntland. Si kastaba ha ahaatee, Puntland horey ayey u hor istaagtay in degmada Boocame  oo 70 km u jirta magaalada Garowe  inay ka dhacdo Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka wadday deegaannada DG Waqooyi Bari.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

AFGEMBI DHICISOOBAY OO KA DHACAY DALKA GUINEA BISSAU.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD AYAA KULAN QADO SHARAF AH LA QAATAY MADAXDII HORE EE DALKA.