AFGEMBI DHICISOOBAY OO KA DHACAY DALKA GUINEA BISSAU.

(SAWIRKA)-MW-UMARO SISECO.

(GUINEA BISSAU)-Wararka laga helaayo dalka dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika ee Guinea Bissau ayaa sheegaayo in todobaadkan lagu xiray dalka Guinea-Bissau koox saraakiil ciidan ah oo lagu eedeeyay iney qorsheynayeen Afgambi, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay ciidamada qalabka sida Jimcaha maanta ah. Afgambiga la sheegay ayaa waxaa ku lug lahaa dhowr sarkaal oo sars-are oo la sheegay in la waayay Isniintii, waxaana lagu dhawaaqay maalin ka hor ololaha doorashada guud ee dalkaasi. "Dhacdadan murugada leh, oo ey ku lug leeyihiin qaar ka mid ah saraakiisha guud iyo kuwa sare ee ciidamadeena, waxay halis galinaysaa Nabadda iyo Xasilloonida ee la doonayo horumarinta dhaqan-dhaqaale iyo soo jiidashada maalgashiga shisheeye," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay ciidamada qalabka sida. Isku dayga Afgambiga ayaa la sheegay inuu Hogaaminayey Agaasimaha dugsiga tababarka ciidamada Sareeya Guuto. Daba Na Walna, oo taageero ka helaya qaar ka mid ah Jeneraalada iyo saraakiisha sar-sare. Lama sheegin halka ey ku danbeyn doonto kooxihii Afgambiga soo maleegay iyo inta lagu eedeeyay in ey ka qeyb qaateen. Waxay noqon doontaa isku daygii labaad ee la og yahay in lagu Afgambiyo Madaxweyne Umaro Sissoco Embaló, kaasoo xukunka qabtay Sannadkii 2020. Waxaa jiray muran weyn oo ku saabsan muddo xileedka Embalo ka hor doorashada guud ee November. Dalka yar ee Galbeedka Afrika waxa uu soo maray Afgambiyo kala duwan tan iyo markii uu xornimada ka qaatay dalka Portugal in ka badan 50 sano ka hor dagaal xornimo oo bahalnimo ah.

XIGASHO-AP.

Previous
Previous

QAARADDA AFRIKA OO LA SHEEGAY INUU KU BADANAAYO CUDURKA DAACUUNKA.

Next
Next

DG WAQOOYI BARI SOOMAALIYA OO EEDEYN CULUS U JEEDIYEY DG PUNTLAND.