QAARADDA AFRIKA OO LA SHEEGAY INUU KU BADANAAYO CUDURKA DAACUUNKA.

(SAWIRKA)-DAD UU KU DHACAY DAACUUN.

(KIGALI/RWANDA)-In ka badan 6,800 oo qof ayaa u dhintay cudurka Daacuunka oo ka dillaacay guud ahaan Qaaradda Afrika sanadkan, taasoo muujinaysa koror cajiib ah marka loo eego sannadkii hore, sida lagu sheegay xog ey Khamiistii sii daysay Xarunta Xakamaynta iyo Ka hortaga Cuduradda Afrika (Africa CDC). Sida laga soo xigtay xogta, faafitaanka cudurka Daacuunka ee hadda jirta wuxuu galaaftay nolosha 6,854 qof iyadoo saamiga dhimashada uu yahay 2.3% halka 297,394 xaaladood laga diiwaan geliyay 23 waddan oo Afrikaan ah. Isagoo ka hadlayay shir Jaraa'id oo muuqaal ah oo ka yimid Namibia, Yap Boum II, Ku xigeenka Maareeyaha shilalka ee Afrika CDC, ayaa sheegay iney jirto koror ku dhawaad ​​50,000 xaaladood marka loo eego sanadkii hore, labada bilood ilaa dhamaadka sanadka. Waxa uu ka digay in kiisasku iney sii kordhaan bilaha ka haray sanadka sababo la xiriira roobab mahiigaan ah oo ka da’aya wadamada ey saameeyeen hadii tilaabooyin wax qabad aan lagu fulin waqtigii loogu talagalay. Wadamada ugu badan oo ey dhibaatadu ka dhacday ayaa ah Angola iyo Burundi, waxaana loo aaneynayaa nadaafad xumo iyo la'aanta biyo nadiif ah oo ku filan. "Burundi waxaa ka jira daacuun calooleed, halka Angola ey ka jirto mowjad labaad oo macquul ah," ayuu yiri. Hoos-u-dhac ayaa lagu arkay Koonfurta Suudaan, Suudaan, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo toddobaadyadii la soo dhaafay, sida laga soo xigtay Afrika CDC, laakiin waddammada ayaa weli leh culeyska ugu sareeya. Daacuunka, caabuqa bakteeriyada, waxa sababa isticmaalka biyaha ama cuntada wasakhaysan.

XIGASHO-AA.

Previous
Previous

KULANKA CARTE LAGUMA CASUUMIN MADAXDA DG DALKA SOOMAALIYA,SABAB?

Next
Next

AFGEMBI DHICISOOBAY OO KA DHACAY DALKA GUINEA BISSAU.