HORJOOGEYAAL ALSHABAAB AH OO LAGU DILAY DUQEYMO KA DHACAY J/DHEXE.
(SAWIRKA)-MALEESHIYAADKA ALSHABAAB.
(JUBADDA DHEXE)-Horaantii bishaan Oktoobar ayey ahayd markii kooxda Khawaarijta Alshabaab ey weerar qorsheysan ey ku qaadeen Xarunta Demi Baarista ee Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ee loo yaqaan Godka Jilacaw ee magaaladda Muqdisho. Weeararkaan ey geystay kooxda Khawaarijta Alshabaab ayaa qaatay saacado badan sidii loo soo afjari lahaa,waxaane ugu dambeyntii lagu guuleystay in la laayo dhammaan kooxdii weerarka soo qaaday kuwaaso gaaraayey ilaa lix Maleeshiyo kuna wada hubeysnaay Qoraga AK-47 iyo bambada gacanta ee F1. Hayddda Nisa oo ka duuleysa weeararkii qorsheysnaay ee kooxda ALshabaab ey ku soo qaaday Godka Jilacaw ee magaaladda Muqdisho, ayey Nisa ku dhaqaaqday iney ka dhex kallumeysato gudaha kooxda Khawaarijta ALshabaab, waxaane habeenkii xalay ey taariikhdu ahayd 30/10/2025-ka duqeymo afar ah laga fuliyey degmooyinka Gobolka Jubada dhexe ee Dawlada Goboleedka Jubaland, duqeymaha ayaa u kala dhacay sidaan:
(1)-Duqeynta 1-aad ayaa waxaa lala beegsaday Xarunta ugu weyn ee Caafimaadka ee kooxda ALshabaab,waxaane Xaruntaan ku sugnaay marki duqeyntu dheceysay Takhaatiir Aqoon sare leh dhammaantoodna ah AJAANIB. Xaruntaan Caafimaad ee lala beegsaday duqeynta ayaa ah mid ku taalo inta u dhexeyso degmada Jilib iyo Xaramka,waxaaen la soo sheegay in Xarunta Caafimaad lala simay dhulka oo wax dhismaha oo ka nool eysan jirin.
(2)-Duqeynta 2-aad ayaa lala beegsaday Xarun kooxda ALshabaab u ahayd meel ey Hubka ku keydsadaan,Xaruntaan la duqeeyey ayaa ah mid ku taalo inta u dhexeyso degmooyinka Bu’aale iyo Jilib oo ka wada tirsan Gobolka J/dhexe ee Dawlad Goboleedka Jubaland. Xaruntaan iyo wixii ku jiray ayaa dambasta noqday.
(3)-Duqeynta 3-aad ayaa ah mid lala beegsaday Xarun lagu Tababaro Maleeshiyaad Kooxda ALshabaab loona yaqaano JEYSHUL USAAMA,waxa eyna Xaruntaa tababarka Usaama ey ku taalaa duleedka Degmada Saakaw ee G/J/dhexe. Duqeynta markii ey ka dheceysay Xaruntaan ayaa waxaa ku sugnaay askar fara badan oo Ajaanib ah lagana soo kala ururiyey wadamadda Soomaaliya deriska la ah ee Itoobiya iyo Kenya si uga barbar dagaalamaan maleeshyaadka kooxda Khawaarijta Alshabaab. Xogta ayaa tilmaameyso in duqeynta lala begsaday Xaruntaan ey sababtay dhimasho fara badan oo soo gaartay Maleeshiyaadkii la tababaraayey iyo dhaawacyo aad u culus ey qabaan kuwii ka badbaaday duqeynta.
(4)-Duqeynta 4-aad ayaa ah mid ka dhacday gudaha degmada Jilib ee G/Jubadda Dhexe,waxaane duqeyntaan lala beegsaday laguna dilay saraakiil sar sare oo dhinaca Amniga u qaabilsan kooxda Khawaarijta ALshabaab,waxaane saraakiishaas la laayey ka mid ah Madaxa Hawgaladda Guud ee kooxda Khawaarijta ALshabaab ninka lagu magacaabo Abu Kamaal iyo Amiirka dhinaca Amniga ee kooxda Khawaarijta ALshabaab ninka lagu magacaabo Abu C/raxmaan iyo qaar fara badan oo ka hoos shaqeynaayey saraakiishaas la laayey.
Si kastaba ha ahaatee,weerarkii xalay lagu qaaday Khawaarijta ALshabaab ayaa ah mid kooxda lagu gaarsiiyey jab xoogan eysan ka soo kabsan kareyn mudooyinkaan waayo waxaa uga dhintay saraakiil sar sare iyo Takhaatiir daaweyn jirtay masuuliyiinta haysa hogaanka kooxda Khawaarijta ALshabaab,waan markii ugu horeysay oo jab intaan la eg la gaarsiiyo kooxda Khawaarijta ALshabaab mudooyinkaan dambe. Dhinaca kale, DFS iyo saaxibadda caalamka ayaan weli ka hadlin weerarki xalay lagu qaaday xarumaha kooxda Khawaarijta ALshabaab kuwaaso dhammantood ku yaalo G/Jubada Dhexe ee Dawlad Goboleedka Jubaland.
ISAHA-SUUQBACAAD MEDIA/MUQDISHO-SOMALIA.