GUD.ADEN MADOOBE OO BOOQDAY XARUNTA GUDIGA MADAXA BANAAN EE DOORASHOOYINKA.

(SAWIRKA)-GUD ADEN MADOOBE.

(MUQDISHO)-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday Xarunta Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, waxaana uu halkaasi kulan kula qaatay Xubnaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariim Axmed Xasan ayaa Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyey howlaha guddiga, waxyaabaha u qabsoomay, halka ay maraayaan howlaha diiwaangelinta codbixiyaasha iyo sidoo kale qorshaha qabashada doorashada golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir. Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ugu horeyn guddiga uga mahadceliyey shaqada ay Qaranka u haayaan, waxaana uu bogaadiyey howlaha diiwaangelinta cod-bixiyaasha ee ka socda Gobolada Dalka. Kusimaha Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa u sheegay Xubnaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha in Shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan in ay dalka ka qabtaan Doorasho Qof iyo Cod ah, islamarkaana ay tahay rajo ay in badan sugayeen oo ah in ay codkooda ku doortaan hogaanka dalka. Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha islamarkaana ay ku garab istaagaan gudashada waajibaadka loo igmaday.

Ugu dambeyn Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo ay wehliyaan Xubnaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa kormeeray qeybaha ay ka koobantahay Xarunta Guddiga.

XIGASH-SNTV.


Next
Next

RW-XAMSE OO SHIR GUDOOMIYEY SHIRKII GOLAHA WASIIRADDA EE MAANTA.