RW-XAMSE OO SHIR GUDOOMIYEY SHIRKII GOLAHA WASIIRADDA EE MAANTA.

(SAWIRKA)-GOLAHA WASIIRADDA DFS.

(MUQDISHO)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyey Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2026 iyo Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda, kaasoo ku saabsan iskaashiga socdaalka, iyo Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar, kuna saabsan iskaashiga arrimaha amniga iyo la-dagaallanka dambiyada. Shirka Golaha Wasiirrada oo uu shir Guddoominayey Raysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga iyo difaaca dalka, iyada oo goluhu bogaadiyey guulaha ay ciidanka qalabka-sida ka gaarayaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta.Dhinaca kale, Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Raysal Wasaaraha, Mudane Kamal Gutale, ayaa shir Guddoomiyey shirkii billaha ahaa ee Agaasimeyaasha Guud, Xogahayaasha iyo Maareeyaasha Hey’adaha dowladda. Shirka ayaa looga hadlay dardargelinta shaqada, soo gudbinta shaqo-qeexayaasha Agaasimayaasha Waaxyaha farsamo ee Wasaaradaha, iyo sameynta Guddiga Qaran ee Fulinta Dowladnimada Danabeysan. Xoghayaha Joogtada ah ayaa ku adkeeyay Agaasimeyaasha Hay’adaha dowladda in ay dardar geliyaan hirgelinta qorshayaasha horyaalla, isla markaana ay xoogga saaraan hufnaanta, wada-shaqeynta, iyo isla xisaabtanka Hay’adaha dowliga ah. Inta uu shirka socday, waxaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan waxyaabihii ka qabsoomay kulankii hore, dhamaystirka Qorshaha Waxqabadka Xukuumadda ee 2026, iyo warbixinno la xiriira rubaca saddexaad ee sanadka 2025.

XIGASHO-SNTV.



Previous
Previous

GUD.ADEN MADOOBE OO BOOQDAY XARUNTA GUDIGA MADAXA BANAAN EE DOORASHOOYINKA.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO KHUDBAD KA JEEDIYEY KULANKA CARTE.