MW-TRUMP OO KA SOO HORJEESTAY AQOONSIGA SOMALILAND.

(SAWIRKA)-MW-TRUMP.

(WASHINGTON/USA)-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa shaaciyay inuu diiday in Mareykanku aqoonsado Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, kaddib markii Israa’iil ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland. Trump oo wareysi siiyay wargeyska New York Post oo Jimcihii la daabacay, ayaa si cad ugu jawaabay “maya” su’aal laga weydiiyay in uu raaci doono Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo aqoonsaday Somaliland. Trump ayaa hadalkiisa ku daray su’aal uu isweydiiyay: “Ma jiraa qof si dhab ah u yaqaan waxa ay tahay Somaliland?” Si kastaba ha ahaatee, Trump wuxuu xusay in arrintaasi weli “miiska saaran tahay”, isagoo yiri “Arrintan waan eegaynaa, Waxyaabo badan ayaan daraaseeyaa, mar walbana waxaan qaataa go’aamo sax ah oo waqtigu cadeeyo.” Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, tallaabo si weyn u dhalisay muran siyaasadeed iyo falcelinno caalami ah. Aqoonsigan ayaa yimid kaddib heshiis ay wada saxiixeen Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska Netanyahu. Bayaankaasi wuxuu Somaliland ku tilmaamay “dal madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda”, wuxuuna Netanyahu ku casuumay madaxweynaha Somaliland booqasho rasmi ah oo uu ku tagayo Israa’iil. Dhankiisa, madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in kadib in ka badan 30 sano oo is-maamul ah, ay heleen aqoonsigoodii ugu horreeyay ee rasmi ah oo caalami ah, taas oo uu ku tilmaamay guul taariikhi ah. Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u diidday tallaabada Israa’iil, iyada oo bayaan rasmi ah ku sheegtay in aqoonsiga la siiyay Somaliland uu yahay “weerar toos ah oo lagu hayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya”, isla markaana ay tahay arrin aan marnaba la aqbali karin. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Netanyahu iyo Trump lagu wado inay 29-ka Diseembar ku kulmaan xarunta Mar-a-Lago, halkaas oo ay kaga wadahadli doonaan xabbad-joojinta jilicsan ee Qaza iyo dadaallada ballaaran ee lagu doonayo xasilloonida Bariga Dhexe, sida ay werisay wakaaladda Bloomberg.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

JAAMICADDA CARABTA OO MAANTA KA HADLAYSA AQOONSIGA SOMALILAND.

Next
Next

BOOLISKA SOMALILAND OO XIRAY SHEEKH CAAN AH.