BOOLISKA SOMALILAND OO XIRAY SHEEKH CAAN AH.
(SAWIRKA)-SHEEKH MAXAMED KAARIYE.
(HARGEYSA/SL)-Booliiska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Sheekh Maxamed Cali Kaariye, oo kamid ah culimada Somaliland, kadib markii uu baraha bulshada ku baahiyay qoraal uu kaga soo horjeeday aqoonsiga ay shalay dawladda Israa’iil siisay Somaliland. Kaariye ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ku yidhi: “Ka kacaay, ka kacaay, kufri baa yimide ka kacaay, Yuhuud baa timide ka kacaay, Netanyahu diidoo ka kacaay.” Sheekh Maxamed Cali Kaariye ayaa la sheegay in xabsiga la dhigay muddo yar kadib markii uu qoraalkaas baahiyay. Qoraal kasoo baxay Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen shakhsiyaad ku eedaysan inay si cad uga soo horjeesteen aqoonsiga, midnimada iyo jiritaanka Somaliland. Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa ku hanjabay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku hawlan falal wax u dhimaya midnimada, nabadgelyada iyo qaranimada Somaliland. “Shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa aanu ugu baaqaynaa inay si mideysan uga soo horjeestaan shakhsiyaadka noocaas ah, isla markaana ay la wadaagaan Ciidanka Booliska JSL,” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay booliiska. Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland ayaa shacabka ugu hambalyaysay aqoonsiga, iyada oo ugu baaqday inay muujiyaan foojignaan. Sidoo kale, ciidamada booliiska ayaa heegan la geliyay Somaliland oo dhan. “Waxa aanu shacabka ku wargelinaynaa inay sidii caadada u ahayd ugu feejignaadaan ilaalinta ammaanka iyo qaranimada Somaliland, oo ay indho-gaar ah ku eegaan cadowga ka xun ee ka naxay guulaha shacabku gaadhay,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga. Qoraalka wasaaraddu waxa uu intaa ku daray: “Waxa aannu uga digaynaa cid kasta oo isku dayda inay si toos ah ama si dadban uga hor timaaddo danaha shacabka, ama isku dayda inay af iyo addin ku khalkhal geliso, in hay’adaha ammaanku ay la socdaan oo ay u feejigan yihiin.” Dawladda Israa’iil ayaa shalay si buuxda u aqoonsatay Somaliland, waana waddankii kowaad ee aqoonsada kadib muddo 35 sano ah oo ay Somaliland raadinaysay ictiraaf caalami ah. Dhanka kale, warbaahinta Maraykanka ayaa qoraysa in Koonfurta Suudaan ay iyaduna aqoonsatay Somaliland, inkasta oo aan si buuxda loo hubin. Dhanka kale shacabka Somaliland ayaa aad u Soo dhaweeyay aqoonsiga ay dowlada Israa'iil siisay Somaliland, iyada oo ilaa xalay ay dabaaldagyo waa wayni ka dhaceen badiba magaalooyinka waa wayn ee Somaliland.
XIGASHO-HOL.