MW- SICIID DENI OO SAMEEYEY ISKU XIL KA QAADIS DEG DEG AH.
(SAWIRKA)-DENI.
(GARAWE/PUNTLAND)-Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland, Qodobkiisa 80-aad.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dardargelinta, dib-u-habeynta iyo tayeynta maamulka TV-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.
Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey:
(1)-Waxaa Cali Cabdi Cali Faarax laga qaaday xilkii Agaasimaha Guud ee TV-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.
(2)-Waxaa Daahir Cabdulqaadir Axmed (Afloow) laga qaaday xilkii Agaasime Ku-xigeenka TV-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.
(3)-Waxaa si ku-meel-gaar ah loogu dhiibay maamulka TV-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland Bile Maxamuud Axmed (Qabawsade), Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland.
(4)-Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo, waana uu saxiixay Madaxweynaha. Dhinaca Madaxweyne Siciid C/lahi Deni ayaa Xeer tirgisigiisu yahay 20, soona baxay maanta oo ey Taariikdhdu tahay 6/7/2026-ka, kuna saabsan Xil ka qaadista Agaasimaha Hayadda Forensic Sayniska ee Dawlad Goboleedka Puntland Md.C/rashiid Maxamed Shire,mana jirto cid loo magacaabay xilkaaso inkasto uu dhaqangalay marka uu saxiixay Madaxweynaha waana uu saxiixay Mw-Deni. DG Puntland ayaa hadda wajahaysa xaalad adag oo ah mid Siyaasadeed iyo mid amni ka dib markii ey soo bexeen warar sheegaayo in DFS ey la wareegtay dhammaan ciidamadii ka hawlgeli jiray Puntland gaar ahaan kuwa Mileteriga, waxaane taliye loo magacaabay Qeybta 54-aad ey xarunteedu tahay Garawe oo ah caasimadda DG Puntland balse taliyaha la magacaabay Gen.Axmed Jimcaale Takar ayaa hadda fadhiya caasimadda DG Waqooyi-Bari Soomaaliya ee ah Laascaanood.
ISHA-SB-MEDIA.