GEN.JIMCAALE OO ISKA DIIDAY INUU LA HADLO MW-SICIID DENI.

(SAWIRKA)-GEN.JIMCAALE.

(LAASCANOOD)-Guddiga Nugaal ee xal u helida xiisadda Garoowe ayaa xalay ka soo laabtay magaalada Laascaanood, halkaas oo labadii maalmood ee la soo dhaafay kulan kula lahaayeen Gen. Jimcaale Jaamac Takar. Sida ay ogaatay Warbaahinta Puntland Post, Gen. Jimcaale ayaa diiday in uu wax wadahadal ah lago madaxweyne Deni inta uu ku sugan yahay magaalada Laascaanood, islamarkaana loo diidan yahay in uu soo galo magaalada Garoowe. Puntland ayaa ku doodaysa in dowladda federaalka ay Gen. Jimcaale u magacowday Taliyaha Qaybta 54-aad, haddii uu doonayo in uu Garoowe soo galana uu marka hore xilkaas iska casilo ama warbaahinta ka caddeeyo in aysan jirin magacaabistaas. Xukuumadda madaxweyne Deni ayaa dhawaan ku dhawaaqday in aan qof xil ka hayo dowladda federaalka Soomaaliya uusan soo geli karin xuduudaha iyo garoomada Puntland. Inkastoo xaaladda Garoowe ay hadda tahay mid deggan, hadana waxaa muuqata in aan weli xal loo helin xiisadda u dhaxaysa Puntland iyo Gen. Jimcaale. Kantaroolada iyo goobaha laga soo galo magaalada ayaa weli waxaa ku sugan ciidamadii dhawaan la geeyay.

ISHA-PP.

Previous
Previous

GUDIGII REER GARAWE OO XAL KA GAARAY XASARADDA DAGAALKA.

Next
Next

MW- SICIID DENI OO SAMEEYEY ISKU XIL KA QAADIS DEG DEG AH.