GUDIGII REER GARAWE OO XAL KA GAARAY XASARADDA DAGAALKA.

(SAWIRKA)-GUDIGII REER GARAWE.

(GARAWE/PL)-Guddi ka kooban siyaasiyiin iyo ganacsato ka soo jeeda gobolka Nugaal ayaa ku guuleystay inay qaboojiyaan xiisad maalmihii la soo dhaafay ka taagnayd magaalada Garowe, taasoo u dhaxaysay maamulka Puntland iyo ciidamo ka amar qaata dowladda federaalka oo ku sugan duleedka magaalada. Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen, xubnaha guddiga ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyagoo ku qanciyay in aan la qaadin tallaabo ciidan oo ka dhan ah ciidamada ku sugan Garowe. Waxay sidoo kale ku boorriyeen in mudnaanta la siiyo dadaallada lagu xallinayo xiisadda si looga hortago inay isu beddesho isku dhac hubeysan. Wararka la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in guddigu ay la xiriireen Jimcaale Jaamac Takar, oo haatan ku sugan magaalada Laascaanood, isla markaana la sheegay in loo magacaabay taliyaha Qeybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Sida xogaha lagu helayo, guddigu waxay Janaraalka ka codsadeen inuu dib u dhigo safar uu ku tagi lahaa Garowe, si looga fogaado tallaabo ciidan oo Puntland ay qaadi karto haddii uu magaalada soo galo. Ilo wareedyo ayaa sheegay in guddigu ay gaarsiiyeen farriin ka timid Madaxweyne Deni oo ku saabsan inuusan xilligan soo gelin Garowe. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa kadib go'aan ay dhowaan soo saareen Golaha Wasiirrada Puntland oo lagu mamnuucay dhaqdhaqaaqa saraakiisha iyo ciidamada ka tirsan dowladda federaalka gudaha deegaannada Puntland. Xubno ka tirsan guddiga ayaa u sheegay HOL in Gen. Jimcaale uu aqbalay inuu hakiyo ama dib u dhigo qorshihii uu ku imaan lahaa Garowe, isagoo sugaya natiijada dadaallada ay wadaan siyaasiyiinta dhexdhexaadinta wada. Sida ay sheegeen, wuxuu caddeeyay in ciidamada uu hoggaaminayo aysan wadin wax dhaqdhaqaaq ah oo lid ku ah amniga iyo xasilloonida Puntland, isla markaana aysan qorsheynayn wax dhaqdhaqaaq ciidan ah oo ka dhaca gudaha Puntland. Guddiga ayaa sheegay inay sii wadaan dadaallada lagu raadinayo xal nabadeed oo suuragelinaya in Gen. Jimcaale uu ugu soo laabto Garowe si aan xiisad loo abuurin. Waxaa sidoo kale la filayaa inay maalmaha soo socda mar kale la kulmaan Madaxweyne Deni, si ay ugu gudbiyaan talooyinka ay diyaariyeen ee la xiriira dejinta xaaladda.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

HAYADAHA AMAANKA G/MUDUG OO SOO QABTAY LABA EEDEYSANE.

Next
Next

GEN.JIMCAALE OO ISKA DIIDAY INUU LA HADLO MW-SICIID DENI.