HAYADAHA AMAANKA G/MUDUG OO SOO QABTAY LABA EEDEYSANE.

(SAWIRKA)-EEDEYSANAYAL LA SOO QABTAY.

(DH/MAREEB/GM)-Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa maanta magaalada Muqdisho keenay laba eedeysane oo lagu kala magacaabo Cabdi Maxamed Axmed iyo Daahir Tahliil Cigaal, kuwaas oo lagu soo qabtay howlgallo ka dhacay deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd ee gobolka Galgaduud. Labadan eedeysane ayaa lagu qabtay iyagoo watay laba qori oo nooca AK-47 ah, sida ay sheegtay Hay’adda NISA, waxaana la tilmaamay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilinta deegaannada. Howlgalkan ayaa daba socda go’aanno uu dhawaan degmada Balanballe kaga dhawaaqay Taliyaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, xilli uu ka qeyb galayay gogol nabadeed oo halkaasi ka dhacday. Taliyaha ayaa markaas adkeeyay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata hub sharci-darro ah ama hurisa colaadaha bulshada dhexdeeda. Hay’adda NISA ayaa sheegtay in labada eedeysane loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si loo marsiiyo sharciga, iyadoo sidoo kale xustay inay laba jibaartay howlgallada lagu sugayo amniga, laguna xakameynayo hubka sharci-darrada ah iyo falalka amni darrada sababa. NISA waxay sheegtay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu adkeynayo nabadda, wada noolaanshaha iyo kala dambeynta bulshada Soomaaliyeed.

ISHA-GJ.


Previous
Previous

WASIIR FIQI IYO TALIYAHA CIIDAMADDA XDS OO GAARAY MESEGA WAAY.

Next
Next

GUDIGII REER GARAWE OO XAL KA GAARAY XASARADDA DAGAALKA.