WASIIR FIQI IYO TALIYAHA CIIDAMADDA XDS OO GAARAY MESEGA WAAY.
(SAWIRKA)WASIIR FIQI IYO TALIYAHA XDS.
(MESAGAWEYN/G/MUDUG)-Wararka laga helaayo degaanka Mesaga waay ee degmada Galcad ee G/Galgaduud ayaa sheegaayo in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Amb. Axmed Macalin Fiqi, oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka XDS iyo xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaanka Hoolcaduur ee degmada Ceeldheer iyo Magaalada Masagawaay ee Gobolka Galgaduud. Kormeerka ayaa ujeeddadiisu ahayd u kuurgelidda xaaladaha guud ee deegaannada, gaar ahaan baahiyaha bulshada iyo sidii loo xoojin lahaa adeegyada aasaasiga ah. Masuuliyiinta ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay bulshooyinka deegaannada, kuwaas oo warbixin ka siiyay xaaladaha nololeed, baahiyaha jira iyo cabashooyinka ay qabaan. Masuuliyiinta ayaa uga mahadceliyay shacabka soo dhoweynta diirran iyo garab istaagga ay u hayaan Ciidanka XDS iyo ciidamada xaq-u-dirirka deegaanka. Sidoo kale, waxay ballanqaadeen in deegaanka Hoolcaduur ee degmada Ceeldheer laga hirgelin doono Xarun Hooyada iyo Dhallaanka (MCH) iyo dugsi waxbarasho, si kor loogu qaado adeegyada bulshada loona dardargeliyo horumarka deegaanka. Intii uu socdaalka shaqo ku guda jiray, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka XDS iyo wafdiga la socday, ayaa sidoo kale booqasho ku tagay degmada Masagawaay, halkaas oo ay kulan kula yeesheen saraakiisha iyo cutubyada Ciidanka XDS ee ku sugan degmada. Masuuliyiinta ayaa ciidamada iyo saraakiisha ku bogaadiyay dadaallada ay ugu jiraan sugidda amniga iyo difaaca dalka, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan waajibaadkooda qaran iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.
ISHA-SNA RADIO.