SAMIRAGA’ID OO KHABIIRAD DHINACA AMNIGA AH OO KA HADASHAY….

(SAWIRKA)-SAMIRA GAID.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Khabiirka amniga iyo siyaasadda ahna aas aasaha Machadka Balqiis, Samiira Ga’id, ayaa sheegtay in ciidamada Soomaaliya ay awood u yeelan karaan inay la wareegaan waajibaadka ay hadda hayaan ciidamada Midowga Afrika (AUSSOM), haddii diiradda la saaro la dagaallanka Al-Shabaab, halkii ciidamada loogu adeegsan lahaa arrimaha siyaasadda gudaha. Wareysi ay siisay Universal TV ayay ku sheegtay in ciidamada AUSSOM oo tiradoodu tahay ku dhowaad 12,000 askari aysan inta badan ku sugnayn Muqdisho, balse ay ku kala sugan yihiin xarumaha maamul-goboleedyada iyo goobaha muhiimka ah ee istaraatiijiga ah sida xarumaha dowladda iyo xarumaha amniga. Samiira ayaa sheegtay in qalabka iyo taageerada ay Soomaaliya ka hesho dalal ay ka mid tahay Turkiga ay sare u qaadeen awoodda ciidamada dowladda, taasoo suuragelin karta inay la wareegaan masuuliyado badan oo amni. Waxay se sheegtay in caqabadda ugu weyn aysan ahayn tiro yari ama qalab la'aan, balse ay tahay sida ciidamada loogu mashquuliyay hawlo siyaasadeed oo gudaha ah, halkii loo adeegsan lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Sida ay sheegtay, ciidamada dowladda ayaa xiligan ku hawlan waajibaadyo kala duwan oo la xiriira khilaafaadka siyaasadeed iyo arrimaha maamul-goboleedyada, taasoo yareyneysa awooddooda ay diiradda ugu saari lahaayeen sugidda amniga iyo la wareegidda goobaha ay hadda joogaan ciidamada AUSSOM. Samiira waxay sheegtay in haddii mudnaanta koowaad laga dhigo la dagaallanka Al-Shabaab, isla markaana ciidamada laga fogeeyo loollanka siyaasadeed, ay suuragal tahay inay si tartiib tartiib ah ula wareegaan masuuliyadaha ciidamada Midowga Afrika. Mareykanka ayaa dhawaan sheegay inuu diidi doono in uu sii maalgeliyo taageerada saadka ee howlgalka AUSSOM wixii ka dambeeya 2026, arrintaas oo dhalisay walaac ku saabsan mustaqbalka howlgalka iyo sida loo xaqiijin doono amniga Soomaaliya haddii taageeradaas la waayo.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

MW- SICIID DENI OO SAMEEYEY ISKU XIL KA QAADIS DEG DEG AH.

Next
Next

UAE,ISRAEL IYO MARAYKANKA OO SALDHIG KA SAMEYSANAYA BERBERA.