MW-Dr.XASAN SHEEKH OO LA KULMAY KU-SIMAHA AUSSOM.
(SAWIRKA)-MW-DR.XASAN IYO MADAXDA AUSSOM.
(MUQDISHU)-Todobaadkii hore Xarunta Madaxtooyadda ee Entebbe ee caasimadda dalka Ugaandha ee Kampala waxaa ku qabsoomay shir looga hadlaayey Arrimaha Hawlgalka Nabadda iyo Xasilinta Soomaaliya ee AUSSOM,muhimadda shiraaks ayaa ahayd mid la xiriirta dhaqaalaha Hawlgalka AUSSOM sidii loo soo dhammaystiri lahaay, waxaane goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka kala socotay wadamadda qeybta ka ah Hawlgalka AUSSOM sida “JABUTI, MASAR, UGANDHA,BURUNDI IYO ITOOBIYA”. Dalka Maraykanka oo ka mid ah wadamada deeq bixiyeyaasha ee Hawlgaladda Ururka Midawga Afrika ayaa horay u shaaciyey inuusan bixin doonin dhaqaalihii looga baahnaa Hawlgalka AUSSOM, waxa uuna Maraykanka ka cawday cadaalad la’aanta ka jirta Qaramada Midoobe ee saami qeybsiga deeqaha iyo Midawga Afrika qaabka uu u isticmaalo dhaqaalaha la siiyo si uu ugu hawlgalo,isla arrintaan ayaa waxaa todobaadkan ka hadlay Senitaro ka tirsan Xibisga Jamhuuriga ee Madaxweyne Trump, kuwaaso sheegay in Hawlgalka AUSSOM looga baahan yahay inuu noqodo mid laga wada qeyb qaato si siman oo cadaalada ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ku-simaha Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya Adebayo Kariim. Wada hadalka ayaa la sheegay in diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AUSSOM si loo dardargeliyo dagaalka lagula jiro kooxda AL-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay Mr.Adebayo Kareem waxa uuna u xaqiijiyey in Dawladda Federaalka Soomaaliya ey ka go’an tahay iney si dhaw ula shaqeyn doonto Hawlgalka Midawga Afrika ee AUSSOM. Madaxweyne Dr.Xasan Waxa uu ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in hal meel looga soo wada jeesto sidii loo heli lahaa Amni iyo Xasilooni waarta. Labada Hogaamiye ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo wada shaqeyn joogto ah oo wax ku ool ah oo dhexmarta Soomaaliya iyo Howlgalka Midowga Afrika. Waxayna isku raaceen in wada shaqaynta noocaasi ahi ay fure u tahay ka hortagga kooxaha nabad-diidka iyo horumarinta dadaallada dib u soo kabashada Qaranka Soomaaliyeed. Mr.Adebayo Kareem Wuxuu ballan qaaday in AUSSOM ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya inta lagu guda jiro xilligan xasaasiga ah ee kala guurka ah iyo dib u habeynta. Kulankan ayaa imaanaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay horay dalka uga eriday wakiilkii hore ee Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, ka dib markii lagu eedeeyay inuu ku xad-gudbay Madax-bannaanida Qaranka.
ISHA-SB-MEDIA.