37-MALEESHIYO AYAA ALSHABAAB LOOGA DILAY…

(SAWIRKA)-XOOGAGA XAQ U DIRIRKA AH EE HIIRAAN.

(HIIRAAN)-Wararka laga helaayo Gobolka Hiiraan ee Dawlad Goboleedka Hirshabeele bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaayo in Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Xaq u dirirka degaanka ey jab xoogan u geysteen maleeshiyaadka rabay iney weerar gaadmo ah ku soo qaadaan degaanka Ceel-Hareeri oo ka tirsan Gobolka Hiiraan kuna yaalo xuduuda kala qeybisa labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeeladda Dhexe. Dagaalkan lagu jebiyey kooxda AL-shabaab ayaa ahaa mid xogtiisa la sii haayey eyna qeyb ka yihiin saraakii sar-sare oo kooxda dhexeeda caan ka ahaa, tan iyo markii ey maleeshiyaadka kooxda AL-shabaab la wareegeen gacan ku haynta degmada Aden Yabaal ee Gobolka Shabeeladda dhexe waxa ey kooxdu dhaqdhaqaaq ciidan ka wadeen xuduuda labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeeladda dhexe. Dagaalkii shalay ka dhacay degaanka Ceel-Hareeri ee Gobolka Hiiraan ayey kooxda AL-shabaab ku weysay saraakiil sar-sare oo qaabilsanaay seddexda Gobol ee kala ah”Hiiraan-Sh/dhexe iyo Galgaduud”,saraakiisha ku dhimatay dagaalkaasi oo aan helnay magacyadooda,Xilalkooda iyo Qabiiladda ey ka soo kala jeedaan ayaa kala ahaa:

(1)-Horjooge Eman, waxa uu u dhashay Beesha Duduble ee degta Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud, kooxda Alshabaab waxa uu u qabilsanaay hogaaminta ciidamada,waxa uuna hadda ahaa taliyihii hogaaminaayey dagaalkii ey kooxdu ku hoobatay ee ka dhacay degaanka Cee-Hareeri.

(2)-Horjooge Khaalid, waxa uu u dhashay Raxanweyn, waxa uuna ahaa Madaxa Sirdoonka ee kooxda ALshabaab ee Goboladda Hiiraan,Sh/dhexe iyo Galgaduud.

(3)-Horjooge Ceydaruus, waxa uu dhashay beesha Xawaadle ee dagaalka adag kula jirta kooxda Alshabaab, waxa uuna ahaa Madaxa Caafimaadka kooxda AL-shabaab ee Seddexda Gobol ee Hiiraan. Sh/dhexe iyo Galgaduud.

(4)-Horjooge C/laahi Abu Xaniifa, waxa uu u dhashay Beesha Isaaq,waxa uuna degaan ahaan ka soo jeedaa Degmada Hargeysa ee Gobolka Waqooyi Galbeed, Abu Xaniifa ayaa kooxda Alshabaab waxa uu qaabilsanaay Dagaalgelinta Maleeshiyaadka kooxda ee Goboladda seddexda ah ee Hiiraan, Sh/dhexe iyo Galgaduud, dhinaca kale Abu Xaniifa ayaa ahaa ninka kaliyah ey ka soo dhici jireen amarada Madaxda sar-sare ee ALshabaab marka kooxdu ey qaadeyso weerar. Ugu dambeyntii kooxda ALshabaab ayaa dagaalka Ceel-Hareeri ku weysay Maleeshiyaad gaaraayo ilaa 37 waxa eyna kooxdu hadda u muuqato mid dhumin doonto degaanadii ey soo galeen bilihii la soo dhaafay waayo kooxda ma haysato Maleeshiyaad ku filan oo difaacan kara dhulka ey qabsadeen,waxaane jiro in kooxda hadda eysan u sahlaneyn isu socodka degaanadda dhaca H/shabeele iyo Koonfur Galbeed waayo waxaa biyo keenay Wabiga mana u shalana kooxda Alshabaab iney si sahlan uga soo talaabaan.

ISHA-SUUQBACAAD MEDIA/MUQDISHO-SOMALIA.

Next
Next

KALFADHIGII 38-AAD EE MIDAWGA BAARLAMAANADA CARABTA OO KA..