KALFADHIGII 38-AAD EE MIDAWGA BAARLAMAANADA CARABTA OO KA..

(SAWIRKA)-MIDAWGA BAARLAMAANADA CARABTA.

(ALGERIA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka ALjeeriya ee ALjeris ayaa sheegaayo in Kalfadhiga 38-aad ee Midawga Baarlamaanada Carabta uu maanta oo Sabti ah uu si rasmi ah uga furmay Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Cabdiladhiif Rixaal ee caasimadda Aljeris. Shirkaan ayaa waxa shir Gudoominaayo Ibrahim Bou Gali oo ah Gudoomiyaha Midawga Baarlamaanada Carabta isla markaasne ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee dalka ALjeeriya, iyadoo ey ka qeybgelayaan Madaxda Baarlamaanada Carabta,Golayaasha iyo Wufuud Baarlamani ah. Shirka ayaa socon doono muddo laba maalmood ah waxaane looga hadli doonaa xaaladihii ugu dambeeyey ee ka jira dalalka Carabta gaara ahaan arrinta reer Falastiin iyo xaaladaha ba’an ee bani’adanimo ee ka jira Marinka Gaza. Ajandaha shirka waxaa ka mid ah kulamo shaqo oo ey ka mid yihiin shirara is daba joog ah ey leeyihiin gudiyo dhawr ah. Waxaa kaloo ka mid ah Gudiga Falastiin,kan arrimaha Bulshada Gdiga Haweenka iyo Caruurta iyo Gudiga Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Baarlamaanka. Khudbad uu ka jeediyey furitaanka Kalfadhiga 38-aad ee Gudiga Fulinta ee Midawga Baarlamaanka Carabta Jimcihii shalay ayuu Ibrahim Bou Gali ku celceliyey taageeradda uu u haayo shacabka reer Falastiin,waxa uuna yiri’Taageeradda ma aha mawqif caadifad leh,laakin waa go’aan adag oo joogteynaayo Mabaadii’ida xoreynta iyo cadaaladda”. Bou Gali ayaa carabka ku adkeeyey in “Dembiyadda joogtada ah ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin iney ina horkeenayaan masuuliyad aan la iska indha tiri karin ama aan laga baxsan karin”. Isku xirka dhibaatada dadka reer Falastiin iyo inta kale ee dhulka Falstiiniyiinta ee la heysto Mashaariicda iyo shirqooladda lagu bartilmaameedsanayo amniga iyo xasiloonida wadamada Carabta. Bou Gali ayaa carabkiisa ku adkeeyey “Ururka Baarlamaanka Carabta waxaa looga baahan yahay maanta,si ka badan sidii hore,iney kor u qaadaan waxtarka waxqabadkooda,xoojinta joogitaankooda iyo cusbooneysiinta qalabkooda waxqabad”. Taaso Bou Gali u arkaayey iney tahay tiir “Iney noqoto cod Carbeed oo daacad ah oo ka hadla fagaarayaasha Caalamiga ah,difaacana arrimaha Qaranka iyo Midnimada Carabta”. Bou Gali,waxa uu aamisan yahay in taasi ey la xiriirto xaqa horumarka,xasiloonida iyo aaya ka talinta.

ISHA-WAKAALADDO.

Previous
Previous

37-MALEESHIYO AYAA ALSHABAAB LOOGA DILAY…

Next
Next

SENITARO MARAYKAN AH OO KA HADLAY MAALGELINTA AUSSOM.