GUD.ADAN MADOOBE OO KA HADLAY SHIRKA ALJERIS.
(SAWIRKA)-GUD.ADEN MADOOBE.
(ALGERIA)-Shirweynaha Guddoomiyeyaasha Baarlamaanadda Carabta oo maalintii labaad ka socda Magaaladda Aljeris ee caasimadda wadanka Aljeeriya ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaasha Baarlamaanadda wadamada Carabta, waxaana sanadkan shirka looga hadlay arrimaha guud ahaan Wadamada Carabta gaar ahaan xaaladda Falastiin. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Soomaaliya shirka ku matalaya ayaa maanta ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa, waxaana uu ugu horeyn u mahadcelyay Guddoomiyaha Baarlamaanka wadanka Aljeeriya Ibrahim Bou-gali oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaanadda Carabta, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanadda Carabta ee shirka ka qeyb galay, Dowladda Aljeeriya oo shirka sanadkan martigelineysa iyo guud ahaan shacabka wadankaasi soo dhoweynta qiimaha leh oo ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa ku dheeraaday qadiyadda Falastiin iyo muhiimadda ay xiligan leedahay in si dhab ah oo ka go’naansho ah looga hadlo loona wajaho, waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya ay taageersantahay in garab istaag buuxa loo muujiyo Falastiin iyo in la helo dowlad rasmi ah oo Falastiiniyiintu leeyihiin caasimadeedana tahay Qudus. Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo khudbadiisa kusoo hadal qaaday isbedelada wadamada Carabta, ayaa waxa uu si gaar ah uga hadlay xaalada wadanka Suudaan oo uu tilmaamay in ay muhiim tahay in aanan la faragelin. Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa khudbadiisa kusoo gaba-gabeeyay muhiimada ay leedahay xoojinta iyo adkeynta iskaashiga wadamada Carabta dhexdooda ah gaar ahaan baarlamaanada Carabta oo uu sheegay in wadajir iyo midnimo lagu gaari karo dhamaan ujeedooyinka iyo sidoo kale hadafyada horumarin dhinac walba lagu gaarsiin karo dalalka Carabta iyo shucuubtooda. Sidoo kalena waxa uu ku booriyay Guddoomiyeyaasha kale ee shirka ka qeyb galaya in la dhaqan geliyo qodobada shirka ka soo baxa. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa ka qeybgalka shirweynahan waxaa ku wehliya Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri iyo sidoo kale Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya wadanka Aljeeriya Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego). Dhinaca kale,Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga iyo la xisaabtanka Hay'adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana kulanka shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Xildhibaan Maxmed Haruun Cabdullaahi, iyo sidoo kale Xoghayaha Guddiga Xildhibaan Cabdulqaadir Xuseen Cabdi (Uurdoox). Xubnaha guddiga ayaa inta kulanka uu socday waxa ay warbixin ka dhageysteen Hanti-dhowraha Guud ee Dowladda Abukaate Axmed Ciise Guutaale oo guddiga warbixin dhameystiran ka siiyay shaqada Xafiiska Hanti dhowrka iyo Qorshayaasha hada u degsan. Intaasi ka dib xubnaha guddiga ayaa hantidhowraha su’aalo ka weydiiyay xafiiska Hantidhowrka guud iyo shaqada uu Qaranka u haayo, waxaana uu dhankiisa ka jawaabay su’aalo ay xubnaha guddiga weydiinayeen. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga iyo la xisaabtanka Hay'adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xildhibaan Cabdi Ibraahim warsame (Qawdhan) oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay Xubnaha Guddiga iyo Hantidhowraha guud ee Qaranka, waxaana labada dhinac ay isla garteen dardargelinta shaqada iyo in la joogteeyo kulamada sidan oo kale ah.
ISHA-SNTV.