MAAMULADEE AYAA BERRI KA BAAQAN DOONO SHIRKA?

(SAWIRKA)-BEESHA CAALAMKA.

(MUQDISHU)-Sida aan la socono Qoraal ayaa ka soo baxay Xafiiska Reysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre,Qoraalka ayaa soo baxay Abraco-30/4/2025-ka waxa uuna ku saabsanaay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka kaaso loogu talagalay inuu Muqdisho ka furmo 1/5/2025-ka balse dib u dhac uu ku yimid, waxaane lo sababeeyey arrimo wada tashi oo ey yeelanayaan Madaxda Qaranka,waxaane la go’aamiyey in shirku qabsoomi doono 5/5/2025-ka kuna beegan berri oo Isniin ah,xilli ay jiraan khilaafyo xooggan oo la xiriira wax ka beddelka Dastuurka iyo nooca Doorashooyinka dalka laga qabanayo. Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa la filayaa in aysan ka soo qayb galin shirka berri ka furmaya caasimadda, iyadoo arrintaasi ay sii murjin karto is-afgaradkii laga filayay shirkan. Dhinaca kale, markii ugu horaysay ayaa lagu wadaa in shirkan uu ka soo qayb galo Madaxweynaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye, oo maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, taasoo muujinaysa in maamulkaas la aqoonsanayo doorkiisa Siyaasadeed ee heer Qaran. Beesha Caalamka ayaa wadda dadaallo xooggan oo lagu doonayo in xal siyaasadeed laga gaaro khilaafaadka taagan iyo qaabka doorashooyinka loo wajahayo. Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa maalmihii u dambeeyay booqashooyin ku tegay magaalooyinka Dhuusamareeb, Baydhabo iyo Boosaaso, halkaas oo uu kula kulmay Madaxda Maamulada si uu uga dhageysto aragtiyadooda ku aaddan Amniga iyo Doorashooyinka. Dhanka kale, magaalada Muqdisho waxaa si habsami leh uga socota isdiiwaangelinta doorashada golaha deegaanka ee gobolka Banaadir, taas oo Guddiga Doorashooyinka Qaranka uu sheegay in la soo gabagabeyn doono dhammaadka bisha Juun 2025. Si kastaba ha ahaatee, xubnaha ka soo horjeedo XFS ayaa ka soo horjeeda qabashada Doorasho Qof iyo Cod ah xilligan, iyagoo ku doodaya in aysan dalka ka dhici karin doorasho noocaas ah xaaladda haatan jirta awgeed. Waxay ku baaqayaan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ey xoogga saarto howlaha mudnaanta u leh dalka sida la dagaallanka ka dhanka ah AS iyo dib u heshiisiinta bulshada. In Soomaaliya ey ka gudubto Doorashada Dadban waxa ey ka dabooli doontaa in Odayaal Dhaqameed ey siyaasadda dalka ka yeelaan sida ey iyagu doonaan,iyagoo ku xisaabtamaayo in afartii sanaba ey dhaqaale ka sameeyeaan cidda ey soo xulayaan. Aragtida Doorashada Dadban kuwa doonaayo ayaa ah Siyaasiyiin aan isku kalsooneyn oo raba iney kursiga lacag ku iibsadaan dabadeedna dhaqaale ka sameeyo.

ISHA-SB-MEDIA.

Next
Next

GUD.ADAN MADOOBE OO KA HADLAY SHIRKA ALJERIS.