MW-CIRRO OO SI FEEJIGAN UGA HADLAY AQOONSIGA ISRAEL EE SOOMALILAND.

(SAWIRKA)-MW-CIRRO

(HARGEISA/SL)— Madaxweynaha  maamulka Somaliland Cabdiraxman Cabdullaahi Maxamed (Cirro), oo maqaal ra’yi ah ku qoray wargeyska Wall Street Journal todddobadkii hore, ayaa ku tilmaamay aqoonsiga ay Isra’iil siisay maamulkiisa mid geedi-socod ah. “Waxaannu la bah nahay Taiwan. Waannu ognahay in aqoonsi ballaaran uusan si degdeg ah u dhici doonin” ayuu qoray Cirro. “Mid ka mid ah waqtiyayda ugu wanaagsan ee muddo xileedkayga waa in laga daaro heesta calanka Somaliland safaaradda aan ka furi doono Israa’iil” ayuu Cirro qoray. Cirro wuxuu weeraray kaalinta dalalka Turkiga iyo Qadar ku leeyihiin dib u dhiska Soomaaliya. Wuxuu kale oo ku dooday in maamulkiisu iyo Israa’iil wadaagaan wax badan. Isra’iil ayaa sheegtay in maamulka Somaliland uu ka taliyo dhul sidaas darteedna uu mudan yahay aqoonsi halka Falastii uu Wasiirka Arrimmaha Dibedda ee Israa’iil Gideon Sa’ar ku tilmaamay “dal ka jira shaashadaha kombuyuutarrada.” “Israa’iil waxay maamulka Somaliland u adeegsnaysaa in aan laga hadlin isku dayga ciribtirka ay ciidammada Isra’aail ka geysteen Gaza” ayuu yidhi siyaasi ku sugan Hargeysa oo doonaya in la xigto magaciisa oo aan la xusin. Cirro wuxuu kale oo ku dooday in Shiinaha iyo Turkigu ay saamayn ku leeyihiin Soomaaliya, waana laba dal oo xiriir la kala leh Maraykanka, mid ka mid ahna leeyahay diidmada qayaxan aadna uga soo horjeeda ku xadgudubka qarannimada Soomaaliya iyo xiriirka maamulka Somaliland iyo Taiwan. MW-Cirro iyo MW-Deni oo labaduba gacan saar heer sare ah la leh dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa waqtigaan waxa ey kuwada sugan yhiin dalka Imaaraatka Carabta,warar qaarkood ayaa sheegaayi in MW-Cirro laga yaabo inuu halkaasi uga sii gudbo Yahuuda si uu ula soo kulmo Reysal Wasaare Netanyahu loogana saxiixo heshiiska BRHAM ACCORD kaaso ey horay u saxiixeen wadamada kala ah” Imaaraatka Carabta-Baxreyn-Marooko iyo Suudaan”. MW-Deni waxa uu Imaaraatka u joogo ayaa ah wadatashi ku saabsan sidii DFS ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamud loo maja xaabin lahaa mudada u dhimanne loo gelin lahaa khalkhal Siyaasadeed iyo Amni iyadoo isticmaalaayo dhaqaalaha ey bixiso Imaaraatka Carabta.

XIGASHO-PP.

Previous
Previous

WASIIR HORE CUMAR CALI ROOBLE OO CABASHA KA AH XILDHIBAANKIISA.

Next
Next

QORFAHA OO LA OGAADAY INUU DAAWO IYO KA HORTAG U YAHAY SOKORAWGA.