WASIIR HORE CUMAR CALI ROOBLE OO CABASHA KA AH XILDHIBAANKIISA.
(SAWIRKA)-WASIIR HORE CUMAR CALI ROOBLE.
(MUQDISHO)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cali Rooble ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weerar uu sheegay in Xalay lagu qaaday hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho. Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in Xalay saqdii dhexe ciidamo aad u fara badan oo wata gaadiid dagaal iyo baalayaasha wax dumiya weerar kusoo qaadeen isaga qoyskiisa gurigooda. Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta ayaa eedeymo culus oo la xariira dhul boob siyaasadeysan u jeediyay inuu kula kacay isaga iyo qoyskiisa madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. "Saqdii dhexe Xalay waxaa ina soo weeraray 9 gaari oo qoryo wada saaranyihiin ayna la socdaan baalayaasha guryaha dumiya, waxaan ka war helnay gurigeygii oo baalaha dhinac ka duminaya, markaan ku baxayna waxaa la ii sheegay in dhulka gurigeyga la igu haysto waliba anigoo haysta dhanaan sharciyada muujinaya lahaanshaha dhulka noockasta uu yahay" ayuu yiri Wasiir hore Cumar Cali Rooble. Wuxuu sidoo kale tilmaamay Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Cumar Cali in weerarka lagu duminaayo gurigiisa uu yahay kii sadaxaad oo ay dowladda ka dumineyso. "Waa booskii sadaxaad oo leyga duminaayo ciidamo isugu jira Boolis Meletari iyo kuwo Madaxtooyada Koofi gaduuda ayaa isoo weeraray, iyagoo aan wadan wax amar maxkamadeed ah waxaana weerarka hoggaaminayay Xildhibaan hore oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim Cali oo loo yaqaano Maxamed Cajiib, kaasoo si cad igu sheegay in dhulkan uu kasoo iibsaday madaxweyne Xasan Sheekh halkii boosna laga soo siiyay lacag dhan 65 kun oo doolar, islamarkaana uga baxday lacag dhan haal Milyan" ayuu yiri Wasiir hore Cumar Cali. Cumar Cali Rooble ayaa ugu baaqay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Hay’adaha Garsoorka, Hay’adaha Xuquuqul Aadamiga, Siyaasiyiinta, Culimada iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed iney si Deg deg ah uga hortagaan dhul boobka, barakicinta iyo weeraro uu sheegay in lagu hayo qoysaska rayid ah ee ku nool magaalada Muqdisho. Weerarka Wasiir hore Cumar Cali Rooble ayaa u eg mid daba socdo eedeymo uu horay ugu jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xukuumadiisa lana xiriirto arrimaha dhulka,Wasiirka ayaa ka soo muuqday muuqaalo laga soo qaaday goob ey ku sugan yihiin dad shacab ah oo sida la sheegay laga barakiciyey degaanka SIINAAY, waxaane goobtaas isku fara saaray ciidamo uu watay Xildhibaan Yaasiin Farey iyo kuwa ka socday Hayada Amaanka ee Gobolka Banaadir, waxaane markii dambe dhacday in dhulkii la isku haystay ey la wareegaan dadkii ey u soo sharciyeysay DFS kuwaaso u badnaay kuwa heyb ah Xildhibaan Maxamed Cajiib iyo Wasiir hore Cumar Cali Rooble.
XIGASHO-HOL.