MW-AFEWERKI OO DIGNIIN CULUS U DIRAY RW-ABIY AXMED,SABABTA?

(SAWIRKA)-MW-AFEWERKI IYO RW-ABIY.

(ERITREA)-Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa uga digay dalka Itoobiya dagaal, isagoo ku sifeeyay hamiga dalka deriska ah ee ku aaddan dhanka badda mid aan laga fiirsan. Xiriirka Addis Ababa iyo Asmara ayaa ahaa mid aan hagaagsanayn tan iyo markii Eritrea ay xornimada qaadatay 1993-kii, intii u dhexeysay 1998-kii iyo 2000-kii, waxaa billowday dagaal u dhexeeya labada waddan ee Geeska Afrika oo isku khilaafay gobolka, kaasoo sababay dhimashada tobanaan kun oo qof. MW-Afwerki, oo gacan bir ah ku xukumayay Eritrea in ka badan sodon sano, ayaa yiri, "Haddii (Itoobiya) ay u malaynayso in ay ka adkaan karto ciidamada Eritrea weerar mowjadaha bini'aadamka ah, waa qalad." Itoobiya waa dal aan bad lahayn oo ay ku nool yihiin ilaa 130 milyan. MW-Afwerki oo wareysi siinayay TV-ga ku hadla afka dowladda ee ERI-TV ayaa yiri “Inta aan shacabka Itoobiya lagu jiidin dagaallo aan loo baahnayn ama aan loo adeegsan arrimo siyaasadeed, waa in marka hore la xalliyo dhibaatooyinka gudaha dalka ka jira”. Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa heshiis nabadeed la saxiixday Afwerki wax yar ka dib markii uu xukunka la wareegay sanadkii 2018-kii. Intii u dhaxaysay 2020 iyo 2022, dagaal gacan ka hadal ah ayaa ka qarxay gobolka Tigray ee Itoobiya, oo xuduud la leh Eritrea, kaasoo u dhexeeya fallaago iyo ciidamada Federaalka, oo ay taageerayaan ciidammada Eritrea. Ugu yaraan 600,000 oo qof ayaa la dilay, sida lagu sheegay qiyaasaha Midowga Afrika. Heshiis nabadeed ayaa soo afjaray dagaalka, laakiin ciidamada Eritrea ayaa weli ku sugan Tigray. Tan iyo markii uu soo idlaaday khilaafkan, waxaa dib u soo laabtay xurguftii u dhaxeysay labada dal, iyadoo Raysal Wasaaraha Itoobiya lagu eedeeyay inuu damac ka galay Dekedda Casab ee dalka Eritrea. Dhanka kale, Afwerki waxa uu ku tilmaamay hamiga Itoobiya ee ah in ay badda gaarto mid aan ka fiirsi lahayn. Bishii June, The Scene, oo ah NGO Mareykan ah oo dabagal ku sameeya lacagaha dagaalka ee musuqmaasuqa ayaa xaqiijiyay in Eritrea ay "dib u dhiseyso ciidankeeda" iyo "In ay sii waddo khalkhalgelinta deriskeeda" tan iyo markii laga qaaday cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay 2009-kii oo lagu eedeeyay inay taageerto kooxaha ka dagaalama Soomaaliya. Laakiin Asmara waxa ay ku adkaysanaysaa in kuwani ay yihiin "eedeymo la abuuray" oo ka dhan ah. Eritrea, oo mararka qaarkood loo yaqaan "Kuuriyada Waqooyi ee Afrika," ayaa ku jirta meel hoose marka loo eego darajooyin badan oo caalami ah, labadaba marka loo eego xorriyadda saxaafadda (2025 waxay ku jirtaa kaalinta 180-aad 180 waddan, sida ay qabaan suxufiyiinta aan xuduudda lahayn) iyo horumarinta bani'aadamka (waxay ku jirtaa tirsiga175-aad kaaso asal ahaan ah 183-wadan ee sannadkii 2022-kii) sida laga soo xigtay Qaramada Midoobe.

ISHA-AA.

Previous
Previous

(LIIBIYA)-700-TAHRIIBAYAAL SUUDAANIYIIN AH OO DALKOODA DIB LOOGU CELIYEY.

Next
Next

DG PUNTLAND OO WAR CUSUB KA SOO SAARTAY MARKABKA.