(LIIBIYA)-700-TAHRIIBAYAAL SUUDAANIYIIN AH OO DALKOODA DIB LOOGU CELIYEY.
(SAWIRKA)-MUHAAJIRIIN KU SUGAN LIIBIYA.
(BENGHAZI/LIBYA)-Wararka laga helaayo dalka Liibiya ayaa sheegaayo in Hay’adda ka hortagga socdaalka sharci darada ah ee Benghazi ayaa ku dhawaaqday iney masaafurisay 700-Muhaajiriin oo Suudaaniyiin ah, kuwaasoo laga soo kala qabtay Koonfurta Bari iyo Badhtamaha dalka Liibiya. Hay’adda ayaa qoraal ay soo dhigtay boggeeda Facebook ku sheegtay Sabtidii shalay ahayd in shakhsiyaadkaas “Qaar laga helay Cuduro halis ah oo la kala qaado oo ey ka mid yihiin Cagaarshowga iyo AIDS-ka, Qaarkoodna lagu soo qabtay Tahriib iyo Tahriibin, kuwaasoo lagu xukumay xukuno kala gedisan ka dib markii la maxkamadeeyey, waxaana loo masaafuriyay arrimo amni daraadood. Dhinaca kale, Hay’adda socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegtay in 397 Tahriibayaal ah lagu qabtay badda Mediterranean-ka, kuwaasoo dib loogu soo celiyay dalka Liibiya intii u dhaxaysay 29-kii June iyo 5-tii July. Sida lagu sheegay warbixinta toddobaadlaha ah ee IOM, kooxda la soo celiyay oo ay ku jiraan 12 Carruur ah iyo 45 Haween ah ayaa la dhigay xarumo lagu hayo oo ku yaalla AL-Zawiya, Tripoli, Sabraatah, iyo Tobruuk. Tripoli waxaa la diiwaan geliyay tirada ugu badan ee soo laabashada Muhaajiriinta ah 197, waxaa ku xiga AL-Zawiya 117, iyo AL-Khums oo ay la socdeen 46 Muhaajiriin ah ayaa soo laabtay isla muddadaas. Tan iyo bilowgii 2025, ku dhawaad 12,000 oo Muhaajiriin ah ayaa lagu soo celiyay Liibiya, oo ay ku jiraan 10,281 Rag ah, 1,103 Dumar ah, iyo 394 Carruur ah. IOM ayaa sidoo kale sheegtay in 272 Tahriibayaal ah ay dhinteen sanadkan-2025-ka, halka 278 kalena wali lagu la’yahay Nolol iyo Geeri.
ISHA-LO.