DALKA GIRIIGA OO XABSI KU GURAY TAHRIIBAYAAL SOO GALAY DALKIISA.
(SAWIRKA)-CALAMADA LIIBIYA IYO GIRIIGA.
(ATHENS)-Maamulka Giriiga ayaa ku dhawaaqay in xabsiga loo taxaabay in ka badan 200 oo Muhaajiriin ah oo yimid ka dib go’aankii dowladda ay ku hakisay codsiyadii magangalyo ee dadka ka imaanaya Waqooyiga Afrika. Sida laga soo xigtay Wasiirka Socdaalka Thanos Plevris Sabtidii, "Ciidanka Ilaalada Xeebaha waxay qabteen Muhaajiriinta sharci darrada ah ee ka soo galay Liibiya saacadihii la soo dhaafay." "Xaq uma laha inay codsadaan magangalyo, loomana wareejin doono xarumaha soo dhaweynta; taa beddelkeeda, waxaa lagu hayn doonaa Xabsiga Booliiska ilaa habka Masaafurinta uu bilaabmayo." Ayuu ku daray. Ilaalada xeebaha Giriiga ayaa Wakaalada Wararka ee AFP u sheegay in 190-ka Tahriibayaasha ah ay ku yimaadeen saddex kooxood Koonfurta Jasiirada Crete,halka kooxda afraad oo ka kooban 11 qof oo Tahriibayaal ah laga helay meel u dhow Jasiirada Agathonisi ee xeebaha Turkiga. Plevris ayaa horaantii Khamiista u sheegtay TV-ga Furan: "Qof kasta oo si sharci darro ah ku soo galaya waddankeyga waa inuu fahamsan yahay inay galayaan nidaam xakameyn, ma aha nidaamka martigelinta." Waxa uu intaa ku daray, "Waxaan rumaysanahay in laga hortagayo… ma nihin huteel," wuxuuna ku tilmaamay qulqulka Muhaajiriinta "duulaan." Dalka Giriiga ayaa xiligan waxaa ku soo badanaya dadka Tahriibayaasha ah ee ka imaanaya dalka Liibiya, kuwaasi oo ka soo degaya Jasiirada Crete oo ah gobolka uu ka soo jeedo Ra’iisul Wasaare Kyriakos Mitsotakis. In ka badan 2,000 oo Tahriibayaal ah ayaa bishii July oo keliya gaartay Crete, taasoo ey ka dhalatay caro masuuliyiinta maxalliga ah iyo hawl-wadeennada dalxiiska oo dawladda muxaafidka ah ku cadaadinaya inay qaado tallaabo lagu joojinayo qulqulka.
ISHA-LO.