DG PUNTLAND OO WAR CUSUB KA SOO SAARTAY MARKABKA.
(SAWIRKA)-WASIIR CEYDIID.
(PUNTLAND)-Wararka ka imanaayo caasimadda Garawe ee Dawlad Goboleedka Puntland ayaa sheegaayo in Puntland eysheegtay in Markab hub siday oo lagu magacaabo SEA WORLD uu si sharci-darro ah ugu sugnaa biyaha Xeebaha Bareeda muddo labo maalmood ah, taasoo keentay falcelin deg deg ah oo ay qaadday. Sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Markabka ayaa la sheegay inuu xambaarsan yahay hub abuuri kara khatar weyn oo dhinaca amniga ah. Puntland waxay sheegtay in markabkani uu ku sugnaa meel dhowaanahan ay ka dhaceen dagaallo lagula jirey kooxaha Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish (ISIS), taasoo sida ay sheegtay sii kordhisay walaaca ku saabsan ujeeddada dhabta ah ee markabka. Puntland waxay sheegtay inuu haatan socdo Baaritaan rasmi ah, si loo xaqiijiyo cidda iska leh markabka, sababta uu u yimid, iyo waxa uu xambaarsanyahay. Maamulku wuxuu ballan qaaday in marka baaritaanka la dhammeeyo, tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo la ogaado inay si toos ah ama dadban uga dambaysay xadgudubkan. Illaa iyo hadda ma jirto Dowlad sheegatay inay leedahay hubkan. Turkiga oo lala xiriirinayo markabkan iyo hubka saaran weli kama uusan hadlin.
๐๐๐๐๐๐๐๐๐
๐๐๐๐๐
KU XAD-GUDUBKA XEERARKA CAALAMIGA AH EE BADDA IYO KHATAR AMNI:
XOG HORDHAC AH OO KU SAABSAN MARKABKA "SEA WORLD"
๐๐๐ซ๐จ๐ฐ๐, ๐๐ ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ฒ๐จ ๐๐๐๐:
Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidaha & Dhaqanka ee Dowladda Puntland waxay si rasmi ah u caddeyneysaa in xogta hordhaca ah ee la helay ay muujineyso in markab lagu magacaabo SEA WORLD uu muddo laba maalmood ah si sharci-darro ah ugu sugnaa xeebaha magaalada Bareeda ee Puntland, isaga oo aan wax dalab caawimaad oo khatar iyo cillad ah soo gaarsiin dowladda Puntland, sida waafaqsan heshiisyada caalamiga ah ee xuduudaha badda (Maritime Territorial International Agreements), gaar ahaan Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda (๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐).
Markabkan SEA WORLD waxa uu jebiyay xeerarka caalamiga ah ee dhigaya in markab shisheeye uusan si sharci-darro ah ku geli karin biyaha xuduudda badeed ee dowlad kale, gaar ahaan marka uu xambaarsan yahay hub muuqda oo laga yaabo inuu halis amni abuuro, isaga oo ku xadgudbay qodobka 19aad (2) (b) iyo (g)ee ๐๐๐๐๐๐ Waxaa xusid mudan in uu ku sugnaa meel ka mid ah zone-ka dagaalka lagula jiro kooxaha Argagixisada Caalamiga ah, taas oo khatar dheeraad ah gelinaysa xasilloonida iyo nabadgelyada Puntland.
Heshiisyada caalamiga ah iyo hanaanka diblomaasiyadeed (๐๐ข๐ฉ๐ฅ๐จ๐ฆ๐๐ญ๐ข๐ ๐๐ซ๐จ๐ญ๐จ๐๐จ๐ฅ ๐๐จ๐ซ ๐๐จ๐ง๐ฏ๐๐ฒ๐ข๐ง๐ ๐๐จ๐ฆ๐ฉ๐ฅ๐๐ข๐ง๐ญ๐ฌ) waxay si cad u dhigayaan in wixii markab ah ee si toos ah u soo gala xuduudaha badda ee dowlad kale, gaar ahaan marka uu yahay mid leh khatar ciidan ama sharci-darro ah, looga baahanyahay in si rasmi ah loo wargeliyo dowladdaasi. Balse markabkan SEA WORLD waxa uu jabiyay xeerarkaas isagoo aan wax sharaxaad ah bixin.
Tallaabada Puntland:
Dowladda Puntland waxay xaq u leedahay baaridda iyo hubinta iyo tallaabo ka qaadidda maraakiibta maraya biyeheeda sida ay qabaan qodobbada 25aad (1) iyo 27aad (1) ee xeerka badana ๐๐๐๐๐๐ waxayna Dowladda Puntland hadda ku guda jirtaa baaritaan rasmi ah oo lagu xaqiijinayo ujeeddada dhabta ah ee markabkan, cida iska leh, iyo waxyaabaha uu xambaarsanyahay. Intaas ka hor, Puntland waxa ay si cad u xusaysa in markabkan jebiyay xeerarka caalamiga ah iyo nidaamka badda ee ay qeyb ka tahay Puntland.
๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐จ::
Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland iyadoo ka war dhawraysa baaritaannada socday, waxa ay shacabka Puntland iyo beesha caalamka si horudhac ah ula socodsiinaysaa in markabkan uu halis weyn ku yahay ammaanka, iyo xasiloonida Puntland, isagoo muddo 2 maalmood ah si dhuumasho ah ku joogay xeeb ku began aagga ay bilihii u dambeeyey dowladda Puntland kala dagaallamaysay argagixisada Caalamiga ah ee Daac1sh (๐๐๐๐), waxayna Dowladda Puntland ay si waafaqsan sharciga badda iyo xeerarka caalamiga ah ula xisaabtami doonto marka ay baariddu dhammaato cid kasta oo ay ku caddaato inay qayb ka tahay xadgudub. Dowladda Puntland waxa ka goโan difaaca baddeeda, ammaankeeda, iyo ilaalinta xuduudaheeda biyaha sida waafaqsan sharciga caalamiga ah.
ISHA-HOL.