MUCAARADKA MUQDISHO MUXUU KA BEDELI KARAA ARAGTIDA XASAN SHEEKH?
(SAWIRKA)-MUCAARADKA MUQDISHO.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Siyaasiyiinta mucaaradka ka soo jeeda Muqdisho ee ku heybta ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ay caawa kulan muhiim ah ku yeelan doonaan hoyga uu magaaladda Muqdisho ka degan yahay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahne Gudoomiyaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, iyagoo diiradda saaraya xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka iyo marxaladda kala guurka ah ee lagu jiro. Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayso hubanti la’aanta la xiriirta doorashooyinka, ka dib markii uu dhammaaday muddo xileedkii Baarlamaanka Federaalka. Xubnaha mucaaradka ayaa la filayaa inay sidoo kale ka doodaan qodobadii kasoo baxay shirkii Nairobi iyo tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan, iyadoo Madaxtooyada ay u harsan tahay 30 maalmood oo kaliya, isla markaana aan weli laga gaarin heshiis rasmi ah oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka. Xubnahaan ayaa sheegay in ay qaadanayaan masuuliyad dheeri ah marka loo eego xubnaha kale ee golaha Mustaqbalka maadaama ay saami wadaagaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Siyaasiyiinta ku heybta ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa ku guul dareystay iney keenaan qorshe dalka uu ku aadi karo Doorasho ka duwan midii hore ee ahayd Doorasho Dadban iyo mida uu hadda wado Madaxweyne Xasan ee ah Doorasho Qof iyo Cod ah,waxaane horay u dhacay shirar ey wada yeesheen labada dhianac kuna soo dhammaaday natiijo la’aan.
ISHA-JN.