HAWGALLO LAGA KALA FULIYEY GOBOLADA BAY IYO HIIRAAN.

(SAWIRKA)-CXDS.

(BAYDHABO/KGS)-Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardho ee gobolka Hiiraan, Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose, Daynuunaay ee gobolka Baay, iyo Qumbi ee gobolka Jubbada Hoose. Howlgalladan oo gaarayay lix duqeyn ayaa lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, iyadoo lagu burburiyay bartilmaameedyo muhiim ah oo ay kooxdaasi ku lahaayeen goobahaas, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay lagu hayay kormeer joogto ah, kadib dhaqdhaqaaqyo laga arkay deegaannadaas. Duqeymahan ayaa sababay dhimashada 54 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta iyo dhaawaca tiro kale, waxaana sidoo kale si guul leh loo beegsaday keyd sahay, iyada oo si weyn loo wiiqay awooddooda dhinaca sahayda, isku socodka iyo abaabulka weerarro ay ku dhibaateyn lahaayeen shacabka Soomaaliyeed. Howlgalladan waxay qayb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu burburinayo awoodda hawlgal ee Khawaarijta Al-Shabaab, isla markaana looga hortagayo in ay deegaannadan u adeegsadaan qorsheynta iyo fulinta weerarro ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

HALKAN KA AKHRISO QORAALKA:

ISHA-SNA RADIO.

Previous
Previous

MUCAARADKA MUQDISHO MUXUU KA BEDELI KARAA ARAGTIDA XASAN SHEEKH?

Next
Next

LACAGTA SHILLIN SOOMAALIGA OO LAGA DIIDAY SUUQYADDA MUQDISHO.