LACAGTA SHILLIN SOOMAALIGA OO LAGA DIIDAY SUUQYADDA MUQDISHO.
(SAWIRKA)-SHILLIN SOOMAALIGA.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Waxaa galay maalintii saddexaad oo xiriir ah iyadoo qaar ka mid ah ganacsatada ku sugan Muqdisho ay weli diidan yihiin qaadashada Shilinka Soomaaliga, iyadoo xaaladda ay kasii dareyso suuqyada kala duwan. Wararka ay heshay Goobjoog ayaa sheegaya in suuqyada ay si weyn u buux dhaafiyeen lacago Shilin Soomaali ah, taas oo ka dhalatay diidmada ganacsatada iyo hoos u dhaca kalsoonida lacagta. Dadka shacabka ah ayaa lagu arkayaa iyagoo sita lacago badan oo shilin ah balse aan awoodin inay wax ku iibsadaan. Suuqyada waaweyn sida Bakaaraha, Xamarweyne iyo Suuqa Xoolaha ayaa wali ka mid ah meelaha ay arrintan si xooggan uga jirto, inkastoo ganacsiyada qaarkood ay weli si kooban u aqbalayaan. Dhanka kale, xaaladdan ayaa hadda ku fidaya gobollada kale ee dalka. Wararka ayaa sheegaya in deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan Shabeellaha Hoose, iyo sidoo kale deegaanada Hirshabeelle sida Jowhar, laga soo wariyay in ganacsato halkaas ku sugan ay iyaguna bilaabeen diidmada Shilinka Soomaaliga. Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in arrintan ay salka ku hayso burburka sii kordhaya ee kalsoonida lacagta, sicir-bararka iyo kala duwanaanshaha qiimaha sarifka, taas oo keentay in ganacsatadu ka baqaan khasaare lacageed. Xaaladdan ayaa si gaar ah u saameyneysa dadka danyarta ah, kuwaas oo si buuxda ugu tiirsan isticmaalka Shilinka Soomaaliga, iyadoo ay sii kordhayaan cabashooyinka la xiriira nolol maalmeedka. Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan tallaabooyinka laga qaadayo xaaladdan, hase yeeshee walaaca laga qabo saameynta dhaqaale ee arrintan ayaa sii kordhaya. Goobjoog ayaa la socon doonta wixii kusoo kordha xaaladdan, iyadoo bulshada la wadaagi doonta faahfaahinta cusub.
ISHA-GJ.