KHAMRI LAGU QABTAY DEGMADA KAARAAN EE G/BANAADIR.
(SAWIRKA)-KHAMRI.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Wararka ka imaanayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Ciidamada amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay howlgal qorsheysan ka fuliyay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku qabteen kartoonno khamri ah oo la sheegay in si qarsoodi ah loogu keydinayay guri isla markaana loo iibinayay. Howlgalkan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamo ka tirsan Booliska iyo Hay’adda Nabad Sugidda, ka dib markii ay heleen xog ku saabsan guryo loo adeegsado kaydinta iyo ka ganacsiga waxyaabaha mamnuuca ah. Ciidamada ayaa galay mid ka mid ah guryihii lagu tuhmayay, iyagoo halkaas ka soo saaray kartoonnada khamriga, kuwaas oo markii dambe loo gudbiyay saldhigga Booliska ee Degmada Kaaraan. Taliyaha Nabad Sugidda Degmada Kaaraan iyo ku-xigeenka Taliyaha Booliska degmada ayaa shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay soo sheegaan wax kasta oo halis ku ah badbaadada bulshada, gaar ahaan kuwa la xiriira maandooriyaha iyo falalka sharci darrada ah. Hay’adaha amniga ayaa sidoo kale xusay in howlgalada ka dhanka ah waxyaabaha maanka dooriya iyo kuwa halista ah ay si joogto ah uga socdaan magaalada Muqdisho, ayna horay u soo qabteen dad lagu eedeeyay ka ganacsiga waxyaabahaas. Ugu dambeyn, ciidamada ayaa caddeeyay in ay sii wadi doonaan howlgallada noocan oo kale ah, iyagoo shacabka ku boorriyay inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, isla markaana ay soo sheegaan cid kasta oo ku lug leh ganacsiyada sharci darrada ah.
ISHA-HOL.