IS RASAASEYN KA DHACDAY BAR KOONTAROOL OO ASKARI KU DHIMATAY.

(SAWIRKA)-BAR KOONTAROOL.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Waxaa tan iyo xalay baraha bulshada lagu haayey hadal heyn ah in dhimasho iyo dhaawac ey ka dhasheen is rasaaseyn ka dhacday bar koontarool kuna taalo Ceel-Gaab, Sida uu xaqiijiyay Taliyaha ilaalada Wasiirka Amniga ee XFS Md.Fartaag, in ciidamo booliis ah oo ku sugnaa meel bar koontarool ah oo ku taala Xamar-wayne ayaa waxaa soo gaaray baabuurka Wasiirka Amniga Fartaag oo uu markaas waday darawalka Wasiirka, waxaana ka dib dhacay is fahmi waa labada dhinac ah, taas oo sababtay in darawalku la soo baxo bastoolad halka ciidankii barta koontatool joogay ee booliisku ay qoryo ula soo baxeen darawalka. Arrinta ayaa waxaa ay gaartay taliyaha ciidanka ilaalada Wasiirka amniga oo lagu magacaabo kayse, ka dib waxaa ay ka soo dhaqaaqeen guriga Wasiir Fartaag, iyaga oo sooo aaday goobta lagu haysto darawalka iyo baabuurka Wasiir Fartaag. Waxaa dhex ka soo raacay ciidanka uu watay taliyaha wasiirka askari ka tirsan ciidanka Madaxtooyada, waxaana uu si lama filaan ah ugu orday goobtii ismari waagu ka taagnaa, waxaana uu isku dayay in uu difaaco darawalka wasiirka, hase ahaatee taliyihii barta koontarool ayaa xabad ku riday askarigii ka tirsanaa ciidanka Madaxtooyada ee gurmad ahaanta u soo raacay ciidanka ilaalada wasiirka Amniga, taasi oo sababtay in uu halkaas ku dhaawacmo, balse markii danbe uu u geeriyooday dhaawacaas. Ciidankii uu watay taliyaha ilaalada wasiirka ayaa ku guulaystay in ay qabtaan taliyihiin checkpoint ga, kadibna ay geeyaan saldhigga booliiska Xamarwayne, halkaas oo lagu hayo taliyahaas. Si nabadgalyo ah ayuu ku soo baxay baabuurkii wasiirka ee uu saarnaa darawalka oo kaliya, waxaana laga warsugayaa sida xaaladu noqoto, inkasta oo uu askarigii dilay askariga kale uu ku andacoonayo in xabaddu ay si kama’ ah uga fakatay.

ISHA-JN.

Previous
Previous

SACUUDIGA OO SOO ROGAY GANAAXYO KALA DUWAN.

Next
Next

MUCAARADKA MUQDISHO MUXUU KA BEDELI KARAA ARAGTIDA XASAN SHEEKH?