MUCAARADKA DFS OO KU FASHILMAY INEY SOO SAARAAN WAX-SAXAAFADEED.
(SAWIRKA)-MUCAARADKA.
(MUQDISHO-Siyaasiyiinta Mucaaradka oo badi ka soo jeedo magaaladda Muqdisho ayaa seddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku shirsanaa Hotel-ka Jazeera ee magaaladda Muqdisho. Mucaaradku waxay dib u faageen qaar ka mida dhaqamadii lagu yaqiin Mucaaradnimada ee kursiga looga soo dejiyey Madaxweynihii hore Maxamed C/laahi Farmaajo iyagoo maanta iyo shalay ey is arkeen qeybaha kala duwan ee bulshada. Qeybta ugu muhiimsaneed Mucaaradnimadii 2021 ilaa 2022-kii waxay ahayd aragtidii hubeysneed ee la magac baxday Bad-baado Qaran taaso hor istaagtay damacii xooga ahaa ee Farmajo,mar kale dadku waxa ey is weydiinayaan kooxda hadda Hotel Jazeera fadhidaa ma sameyn karaan Bad baado Qaran-2,laakin waxaa jira seddex arrimood oo diidaya in xilligaan la sameeyo Badbaado Qaran-2,waxa eyna kala yihii: (1)-Awr kacsigii Qabiilka oo aan shaqeyn karin, si Farmaajo loo rujiyo waxaa dareen Qabiil la geliyey beesha caasimadda degta,dadka waxa lagu kicinaayey inuu Farmajo Hantidooda Burburinaayo,magaalada Dumin rabo,Hormuudkooda siyaasiga ah tirtiraayo kuna fasaxay Argagixisada si baada iyo Qaraxyada loogu siyaadiyo,balse hadda doodaan ma shaqeyn karto oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud looma Qabiil sheegan karo,magaaladda halis kuma ahan,Ganacsatada isagaa uga dhaw siyaasiyiinta kale,Qaraxyadii iyo baadii Argagixisadane waa la tacaalay isagoo Amniga caasimada gaarsiiyey meelaan mudooyinkaan dambe la gaarsiin,inuusan Mucaaradka Hotel-ka Jazeera fadhiyaa haatan u shqeyneyn Kaarka Qabiilka,wa tilaabadda koowaad ee diideysa in la sameeyo Badbaad Qaran-2. (2)-Madaxweyne Xasan Sheekh oo aan muddo kororsi sameysan, in Farmajo hub loo aruursado oo awood ciidan la isku tijaabiyo waxay dhalatay ka dib markii uu Farmajo sameystay muddo kororsi sharci darra ah, MW-Xasan Sheekh weli muddo xileedkiisa ma dhammanin sidaas awgeed nidaam uu waqti sharci ah u harsan yahay cid ku duuli kartaa ma jirto. (3)-Mucaaradka oo aan dareemeynin halis Amni,nidaamkii Madaxweyne Farmaajo wuxuu fuliyey weeraro siyaasadeed oo dhammaantood dhaliyey qasaaro nafeed,waxaane ka mid ahaa weerarkii lagu qaaday Gurigii uu Muqdisho ka deganaay C/raxmaan C/shakuur Warsame,weerarkii lagu qaaday Hotel Maa’ida oo ey xiligaas ku jireen(Deganaayeen) labada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo weerarkii hubeysnaa ee lagu qaaday banaanbaxayaal ey ku jiraan EX-Reysal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo C/raxmaan C/shakuur warsame. Dhammaan weeraradaasi waxay xaqiijiyeen iney siyaasiyiinta halis amni ku jireen,ka dibne waxay heleen ciidan beeleedyo la safta oo qaar ey ka soo tageen shaqadii Ciidamada Xooga Dalka,maanta Xasan Sheekh duulaan kuma aha nafta Mucaaradka weliba waxa ala xaqiijiyey inuu Madaxweynuhu ku amray saraakiisha hogaamisa ciidanka inaan loo dhawaan goobaha ey Mucaaradka ku shirayaan oo aan la qashqashaadin,tanina waa arrin kale oo Mucaaradka ka hor istaageysa iney isku dayaan dhismaha Badbaado Qarankii hubeysneed. Seddexdaan arrimood waxaa sii dheer isbedelka amni ee laga dareemaayo caasimadda Muqdisho seddexdii sano ee la soo dhaafay, taasoo Mucaaradka u diidi doonto iney helaan dad diyaar u ah iney ka qeyb qaataan fawdo hubeysan oo dhacda magaaladda Muqdisho.
ISHA-ADDUUNKA TV.