ISRA’IIL OO IS HORTAAGTAY WAFDI SARE OO CARAB AH.
(SAWIRKA)-AMIIR FEYSAL BIN FARXAAN.
(RAMALLAH)-Israa'iil ayaa go'aansatey iney ka hor istaagto wafdi Wasiirro ah oo ka socda Bariga dhexe oo uu hoggaaminayo diblamaasiga ugu sareeya Sacuudiga oo booqasho taariikhi ah ku tegi lahaa Daanta Galbeed Axada, sarkaal sare oo Israa'iil ah ayaa u xaqiijiyey Wargayska (The Times of Israel) kana soo baxo Isra’iil. Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar, Urdun, Qadar iyo Turkiga ayaa lagu waday in berri oo Axad ah ey magaalada Ramallah kula kulmaan Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas. Sarkaal sare oo ka tirsan Isra’iil ayaa sheegay in Dawladda Falastiin ey qorsheyneysay iney martigeliso kulan looga golleeyahay "Kor u qaadista dhismaha dowlad Falastiin." Sacuudi Carabiya iyo Faransiiska ayaa qabanqaabinaya shir ka dhacaya Qaramada Midoobay bisha soo socota, kaas oo looga gol leeyahay in lagu hormariyo xal laba dowladood ah, waxayna Paris miisaameysaa iney isticmaali doonto madal lagu aqoonsanayo dowlad Falastiin ah iyo in kale. "Israa'iil kama shaqeyn doonto dhaqdhaqaaqyada loo qorsheeyay in lagu waxyeeleeyo iyada iyo ammaankeeda," ayuu yiri sarkaalka Israa'iil. Talaabadan ayaa u muuqata mid sii xumaynaysa xiriirka Israa’iil ey la leedahay Wadamada Gobolka Carabta, kaasoo durba aad u xumaaday tan iyo markii uu qarxay dagaalka Gaza.
ISHA-RAMALLAH.