KURAASTII EY BANEEYEEN AUN-KHADIJO DIRIYE IYO SEEYSEEY OO LOO..
(SAWIRKA)-AUN-WASIRRADA KHADIIJO M.DIIRIYE.
(MUQDISHO)-Gudiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta oo Jica ah shaaciyey magacyadda Musharaxiinta Tartamaayo kuraasta ka banaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Kuraasta tirsigoodu yahay HOP#097 iyo HOP#098 oo horay uga kala geeriyoodeen AUN-Xil.Khadiija Maxamed Diiriye oo baneeysay HOP#097 iyo Xil.Maxamud Maxamed Jimcaale(SeeySeey) oo isna baneeyey HOP#098. Suldaanka beesha iska leh kuraastaan suldaan Axmed Maxamud Cosoble ayaa Gudiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxa uu u gudbiyey Liiska Ergada Dooraneysa labada Kursi,intaas ka dib,Gudiga ayaa diiwaan geliyey afar Murashax kuwaaso soo buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaay,Musharaxiinta ayaa kala ah”C/kariim Maxamed Diiriye iyo Maxamed Maxamud Geed oo tartamaayo HOP#097, C/qaadir Maxamud Maxamed iyo Axmed Aden Maxamud oo tartamaayo HOP#098. Dhammaan tartamayaasha afarta ah ayaa la gudoonsiiyey Shahaadooyinka Musharaxnimo kuwaaso maalinta berri ah ey Doorashadoou ka dhecey magaaladda Jawhar ee ah Caasimadda DG H/shabeelle. Labada Xildhibaan eey baneeyey Kuraasta ayaa geeriyooday waqtiyo kala duwan, Wasiirad Khadiijo ayaa dalka Jabuuti ku geeriyootay bishii Diseembar-2023-kii, halka Seeseey uu geeriyooday Maarso-2023-kii.
ISHA-SUUQBACAAD MEDIA/MUQDISHO OFFICE.