MUCAARADKA OO KU HESHIIN LA’A CIDDA HOGAAMINEYSO.
(SAWIRKA)-WAA SIR SAWIRKAAN DOODA AH.
(MUQDISHO)-Shir ey leeyihiin inta badan Mucaaradka Soomaaliya ayaa shalay oo Arbaca ahayd ka furmay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Xubnaha shirka ka qeybgelaayo ayaa waxaa hormuud u ah Madaxweynihii hore ee Dawladdi Ku meel gaarka Soomaaliya Xildhibaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaa kalo madasha fadhiya xubno ey ka mid yihiin Gudoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxman iyo Shariif Xasan Sheekh Adan,Reysal Wasaareyaashii hore sida Maxamed Xuseen Rooble, Xasan Cali Khayre, Cumar C/rashiid, Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid) iyo Musharixiinta Madaxweyne ee kala ah C/Raxman C/shakur Warsame iyo C/qaadir Cosoble Cali. Mucaaradka ayaa DFS u jeediyey dhaliilo hordhaca kuwaaso u badnaa Doorashada,Dastuurka iyo isku haynta dalka. Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shir gudoominaayo kulankan ayaa sheegay mar uu ka hadlaayey Doorashada Golaha Degaanka ee Gobolka Banaadir inaaneyn iyagu diidaneyn Doorashadaasi balse ey rabaan in laga heshiiyo Gudiga iyo Nuuca Doorashada,Shariif-ka ayaa Gudiga Doorashada Qaranka ee hadda jira ku tilmaamay Gudi koox ama Xisbi gaar ah uu leeyahay oo aan loogu yeeri karin Gudi Qaran,hadaba maxaa laga filan karaa iney ka soo baxaan shirka galay maalintiisii labaad ee Mucaaradka DFS? Qodobada la maleyn karo iney ka soo baxaan ayaa waxaa ka mid ah: (1)-Dhaliil, sida soo jireenka ahayd Mucaaradku Luuqad adag ayey ku dhaliili doonaan DFS. (2)-Go’aamo,waxay soo saari doonaan go’aano ku saabsan waxa ey ka yeeli doonaan haddii Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku adkeysto doorashada uu hadda wado ee Qof iyo Codka ah iyo wax ka bedelka Dastuurka. (3)-Hogaanka Mucaaradka iyo Xubnihiisa,sida la saadaalinayo Mucaaradka ku shirsan Muqdisho waxay dhisan doonaan Maamul iyo xiriiriyeyaal,xubno ka mid ah Mucaaradka DFS ayaa raadinaayo iney hogaanka qabtaan Golaha la dhisaayo,halka ey jiraan xubno aaminsan in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif sii hogaamiyo Golaha ilaa shirkooda labaad balse hadda la dhiso Afhayeen iyo Xoghayno. Waxa ugu muhiimsan ey Mucaaradku shirkooda ka filayaan waa inuu culeys saaro Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud,dabadeedna uu soo debco, taladana dhulka dhigo oo uu aqbalo in la qabto Doorasho heshiis lagu wada yahay.
ISHA-SUUQBACAAD MEDIA/MUQDISHO OFFICE.