MIDIYEYN IYO TOOGASHO KA KALA DHACDAY MINNEAPOLIS IYO ST.PAUL.
(MUUQAALKA)-BOOLISKA MINNEAPOLIS.
(MINNEAPOLIS/MNN)-Booliska ayaa sheegay in nin lagu dilay mindi subaxnimadii Axadda maanta ah meel ka baxsan guri ku yaal koonfurta Minneapolis. Sida laga soo xigtay Waaxda Booliska ee Minneapolis, warbixin ayaa soo baxday abbaare (6:45) subaxnimo oo ku saabsan nin ku sugnaa barxad ku taal baloogga 4200 ee Portland Avenue. Halkaas, nin ayaa laga helay meydkiisa dhaawac mindi oo u muuqday. Baaritaan dil ah ayaa socda. Booliisku ma aysan shaacin cid loo soo xiray dhacdadaan. Baarayaasha booliska ayaa weli ku mashquulsan kana shaqeynaayo sidii ey u xaqiijin lahaayeen sababta keentay midiyeytan. Dhinaca kale, Waaxda Booliska ee St. Paul ayaa sheegtay inay sameyneyso baaritaan dil ah Sabtidii ka dib markii toogasho lagu dilay hal qof. War-saxaafadeed cusub oo ka soo baxay Booliska St. Paul, waaxdu waxay sheegtay in toogashadu ay dhacday 11:44 subaxnimo markii dadka soo wacay ay soo sheegeen rasaas ka dhacday baloogga 600aad ee Park Street. Markii ay booliisku yimaadeen, waxay heleen nin ka cabanaya dhaawac rasaas ah oo loo qaaday isbitaalka, halkaas oo uu markii dambe ku geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray. Saraakiisha ayaa sameeyay goob wareeg ah waxayna bilaabeen inay raadiyaan qof laga shakisan yahay iyagoo adeegsanaya K9S iyo diyaarad aan duuliye lahayn. Booliska ayaa sheegay inay markii dambe heleen oo ay xireen qofka laga shakisan yahay 12:33 habeenimo.
ISHA-WAKAALADDO.