MUSHAAR LA’AAN SOO WAJAHDAY SHAQAALAHA RAYIDKA AH EE PUNTLAND.
(MUUQAALKA)-DENI.
(GARAWE/PUNTLAND)-Wararka laga helaayo caasimadda Dawlad Gobolededka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in Todobo bilood oo mushahar la’aan ah ayaa u buuxsantay shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland, taariikhda laga soo bilaabo 2009 waa mudadii ugu dheereed ee shaqaalaha Puntland ay xuquuq la’aan ahaadaan intaas oo bilood oo xiriir ah. Sanadkaan 2026, shaqaalaha Puntland labo bilood oo keliya ayay helleen oo ahaa labadii ciid, 3aad iyo 6aad. Xuquuqda mushahar ee shaqaalaha rayidka Puntland markii laysku daro waxay gaartaa 500 oo kun oo dollar, waa nus milyan dollar. Dakhligga Puntland bishii usoo xerooda waa 10-Milyan oo dollar. Madaxweynaha DG Puntland Said Deni ayaa taariikhda ku gallay Madaxweynihii ugu horeeyay ee ku guuldaraysta bixinta xuquuqda shaqaalaha Puntland, waana taariikh uu kaga duwan-yahay dhamaan Madaxweynayaashii soo maray Puntland. inkastoo mushaharka si joogta ah aysan u bixin-jirin madaxweynayaashii hore hadana intaas oo bilood oo xiriir ah masoo marin Puntland. Xuquuq la’aanta shaqaalaha Puntland waxay kasoo bilaabanaysaa bishii-Sebtembar ee sannadkii 2023, iyagoo sannad kasta uu dhamaado iyaggoo xuquuq badan leh. Hanti-dhawrka Puntland ayaa dhawaan sheegay in shaqaalaha Puntland ay ka maqantahay 12-Milyan oo dollar, iyadoo aan la garayn meel lacagtaas aaday, maadaama miisaaniyada ay ku jirto, dakhligga xukuumada Puntland soo galana uusan waxba iska dhimin.
ISHA-NADIIF.