RW-KU-XIGEENKA SOOMAALIYA Md.SAALAX OO GAARAY ANGOOLA.
(MUUQAALKA)-RW-SAALAX.
(LUANDA/ANGOLA)-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Luanda ee ah caasimadda dalka Angola kaga qaybgalaya Kalfadhiga 21-aad ee gaarka ah ee Madaxda Dalalka iyo Dawladaha ee Golaha Midowga Afrika, kaas oo madaxda Qaaradda Afrika uga doodayaan xoojinta ka-hortagga iyo xallinta khilaafaadka. Kalfadhigan ayaa madaxda Afrika kaga arrinsanayaan sidii Qaaraddu tallaabo wadajir ah ugu wajihi lahayd khilaafaadka, u hirgelin lahayd maalgelin joogto ah oo lagu taageero nabadda iyo amniga, una xoojin lahayd wada-shaqeynta hay’adaha Qaaradda iyo bahwadaagta caalamiga ah. Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay doodaha socda ku biirinayso waayo-aragnimadeeda ku aaddan garab-istaagga Afrika iyo muhiimadda ay leedahay in guulo laga gaaro sugidda amniga lagu xoojiyo hindisataasha qaran ee nabad iyo xasillooni waarta.
ISHA-SNTV.