MAXKAMADDA CIIDAMADDA OO XUKUN KU RIDAY EEDEYSANAYAAL.
(SAWIRKA)-EEDEYSANAYAAL LA XUKUMAY.
(MUQDISHO)-Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa xukuno kasoo saartay kiiska Maxamed Aadan Abuukar oo Xeydar Muqtaar Afgarashadiisu tahay iyo Maxamed Qadar Cali Aadan oo loo heystay labaduba Dilal iyo Qaraxyo Magaaladda Balad Xaawo Ee Gobolka Gedo Ka dhacay 2025. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay Afartii Bisha Labo iyo Tobonaad 2025. Maxamed Aadan Abuukar Shan iyo Toban Sano oo xabsi Argagaxiso ah halka Maxamed Qadar Cali Aadan isna lagu xukumay Taban Sano oo xabsi Argagaxiso ah, balse Xafiiska Xeerilaalinta ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday. Afartii Bishan Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo Dhageysatay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan. Maxamed Aadan Abuukar Xeydar Afgarashadiisu tahay iyo Maxamed Qadar Cali Aadan ayey Maanta Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ku Wada Xukuntay Min Shan iyo Toban Sano oo Xabsi Argagixiso ah. Sida uu warbaahinta u sheegay Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida. Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Raage Ceele ee gobolka Shabeellaha Dhexeee DG H/shabeele. Taliyaha ku-xigeenka Guutada 18-aad, Col. Khadar Axmed Cabdi, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Ururka 10-aad ee Guutada 18-aad Kumaandooska Gorgor XDS ay fuliyeen howlgaladan amni xaqiijinta ah. Howlgallada ayaa si gaar ah looga sameeyay tuulooyinka Gayfo, Boscadur iyo Yonbar oo dhaca waqooyiga Raage Ceele. Ciidamada ayaa sii waday howlgalka, iyagoo miino baaris ku sameeyay waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah si looga hortago khataraha ay argagixisadu ku abuuri karaan shacabka iyo gaadiidka isticmaala waddooyinkaasi. Ujeeddada howlgalka ayaa ahayd xaqiijinta amniga dadka rayidka ah iyo xasilinta deegaannada hoostaga Raage Ceele. dhinaca kale, war hadda aan ka helnay degaanka Daarusalaam ee u dhaw degmada Masaajid Cali Gaduud ee isla G/Sh.dhexe ayaa sheegaayo in halkaasi ey ka dhacday duqeyn lala beegsaday kooxda khawaarijta ALshabaab, waxaane dhulka lala gooyey oo dambasta noqotay Booyad Shidaal u siday kooxda Khawaarijta ALshabaab. Booyadda la duqeeyey oo siday Shidaal ayaa ku halaawday degaanka Daarusalaam kaaso u dhexeeyo degaanadda Bur Dacaar iyo Masaajid Cali Guduud, waxaane booyadda agjoogay ilaa 7-maleeshiyo kana tirsan kooxda Khawaarijta ALshabaab kuwaaso watay laba Mooto Fekon rabayne iney farsameeyaan Booyadda. Dhammaan todobadii Maleeshiyo iyo Booyadii siday Shidaalka waxa ey kuwada basbeeleen hal meel.
XIGASHO-SNTV.