HAWLGALADII CIIDAMADA ICE EE MINNEAPOLIS OO LA JOOJIYEY.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA ICE.

(MINNEAPOLIS/USA)-Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ciidamada hay’adda Socdaalka Maraykanaka ICE ay ka baxayaan Minneapolis, taasoo lagu tilmaamay tallaabo istiraatiiji ah oo lagu doonayo in diiradda lagu saaro fulinta sharciyada gudaha United States. Ka dib toddobaadyo howlgallo xooggan oo laga fuliyay magaalooyin ku yaalla gobolka Minnesota, waxaa la go’aamiyay in la xoojiyo la-dagaallanka socdaalka sharci darrada ah gudaha dhulka Mareykanka, iyadoo ICE diiradda saarayso gobollada kale ee ay ku badan yihiin ajaanibta sharci la'aanta. “Waxaan shaqo muhiim ah ka qabannay Minneapolis, balse waa waqtigii aan diiradda saari lahayn fulinta shuruucda socdaalka gudaha Mareykanka,” ayuu yiri Wakiilka Xuduudaha ee Tom Homan. ICE ayaa horraantii Diseembar ka bilaabay howlgal lagu magacaabo Operation Metro Surge magaalada Minneapolis, iyagoo bartilmaameedsanayay dembiilayaal la tuhunsanaa inay ku lug leeyihiin xatooyo maaliyadeed iyo falal kale oo sharci darro ah.  Intii uu howlgalkaas socday, dhowr Soomaali ah oo isugu jiray kuwa sharci haystay iyo kuwo sharci la'aan ah ayaa lagu qabtay howlgalladan. Sidoo kale labo qof oo caddaan ah oo u dhashay Maraykanka ayaa ku dhintay mudaharaadyada looga soo horjeeday qab qabashada Soomaalida. Si kastaba, howlgalladooda waxaa caqabad ku noqotay in qof kasta oo laga masaafuriyo Minneapolis dib loogu celinayay isla deegaankiisii Minneapolis. Sida uu sheegay agaasimaha ku-meelgaarka ah Todd Lyons, ICE ayaa howlgalo ka bilaabi doonta Koonfurta California, halkaas oo uu sheegay in ay ku sugan yihiin ajaanib sharci darro ah oo aad u badan. Markii warkan la daabacay, koox ka tirsan saraakiisha ICE ayaa lagu arkay iyagoo ku qulqulaya makhaayad ku taalla Koonfurta California.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

TURKIGA OO SOOMAALIYA KEENAY TAANGIGA M48 PATTON.

Next
Next

MAXKAMADDA CIIDAMADDA OO XUKUN KU RIDAY EEDEYSANAYAAL.