MASAR,JABUUTI IYO ERITEREEYA OO SI DADBAN U CIQAABAYA ITOOBIYA.
(SAWIRKA)-CAAMADA ITOOBIYA.
(JIBOUTI)-Maalmihii u dambeeyay ayey Siyaasiyiin iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Itoobiya waxay dalkooda ka muujiyeen walaac ay ka qabaan dhaq-dhaqaaqyada Masar ee Jabuuti iyo Ereteriya, kuwaasoo qaarkood ay ku tilmaameen mid lagu beegsanayo cid kasta oo Itoobiyaan ah oo ku sugan Xeebaha Badda Cas. Waxa walaaca Itoobiya ku sii daray hadal uu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badar Cabdul-caadhi, kaasoo uu ku caddeeyey in maamulka Badda Cas uu weli tahay arrin lama taabtaan ah una gaar ah dawladaha Badda Cas, maadaama ay mas’uul ka yihiin ilaalinta Ammaankeeda, Xasilloonida iyo joogtaynta kheyraadkeeda, si kor loogu qaado danaha guud ee shacabkeeda, isla markaana ay dejiso mabda’a maamulka lahaanshaha gobolka. Talaabadan oo sii kordhisay walaaca Itoobiya, Qaahira waxay bilowday inay qaado tillaabo Jabuuti iyo Eritera ay kaga hortagayso in Itoobiya soo gasho Badda Cas ama laga sameeyo marin laga soo galo Addis Ababa. Raysal Wasaare Abiy Axmed oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen xubno ka tirsan Golaha Shacabka Itoobiya oo ku saabsanaa deked la’aanta Itoobiya ayaa sheegay in arrintu leedahay dhinacyo sharci, mid taariikheed, deegaan iyo dhaqaale oo adag. Wuxuu ku nuux-nuux saday in qasaaraha Itoobiya ka soo gaaray dekeddeeda isagoo ula jeeday dekedda Casab ee Eritrea, oo ay Itoobiya gacanta ku haysay in ka badan 2,000 oo kilomitir oo ka mid ah Xeebta Badda Cas, taasoo ay lumisay ka dib goosashada Ereteriya ay dhacday iyada oo aan wax sharci ah iyo mid hay’addeed toona lahayn. Waxa uu u arkay in wax ka qabashada arrintan ay tahay qayb ka mid ah danta qaranka ugu sarreeya ee dalka. Walaaca Itoobiya ayaa ku soo beegantay iyadoo Masar ay qaaday tallaabooyin lagu sugayo laguna maamulayo dekedaha Eritrea iyo Jabuuti si aan fursad u siinaynin joogitaanka Itoobiya ee halkaas. Talaabooyinkan ayaa biloowday dhowr bilood ka hor, markii Madaxweynaha Masar Cabdul Fataax AL-Sisi uu qaabilay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki bishii Oktoobar ee la soo dhaafay. Intii uu socday kulanka, Sisi waxa uu xaqiijiyay sida ay Masar uga go’an tahay inay taageerto Madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Eritereeya. Dal kastaa wuxuu ka kireyn karaa dekediisa ama tas-hiilaadka badda dal kale, waase haddii ay Madax-banaanidu ku harsan tahay waddanka kiraynta ah. Kulanka waxaa ka mid ahaa in Masar ay xoogga saartay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga si loo sugo ammaanka Badda Cas iyo in laga fogaado in ay saameyn ku yeelato socodka marin biyoodkan muhiimka ah. Sisi waxa uu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la xoojiyo isku xirka Masar iyo Eritrea, iyo sidoo kale dalalka Carabta iyo Afrika ee xeebaha ku teedsan, si ay gacan uga geystaan xoojinta amniga iyo xasilloonida gobolkan muhiimka ah. Hase yeeshee Masar kuma ekaan Ereteriya, balse waxay ka sii horreysay dhaqdhaqaaqyo kan la mid ah oo ay ka samaysay Jabuuti, taas oo ahayd marin-badeed ay Itoobiya soo marto dekedda Dooraale. Masar ayaa billowday inay fuliso faahfaahinta heshiiskii Madaxweynaha Masar iyo dhiggiisa Jabuuti ku dhexmaray booqashadii Sisi ee dalkaas bishii hore ee April. Booqashadaas waxaa la isku afgartay in Jabuuti laga fuliyo mashaariic ay ka fulinayaan dhinaca Masar oo ay ka mid yihiin balaadhinta xarunta tamarta dabaysha ee gobolka Jabuuti, in dekedda Djibouti laga dhiso xarun koronto oo cadceedda laga dhaliyo, iyo balaadhinta dekedda konteenarada ee dekedda Dooraale, tan dambe oo ah deked aad muhiim u ah oo loo arkayay marinka badda ee Itoobiya ee dhanka badda cas. Talaabadani waxa ay muhiim u tahay go’doominta Itoobiya, cabudhinta ganacsigeeda, cadaadis dhaqaale oo toos ah iyo mid dadbanba ku hayso Addis Ababa. Talaabada Masar ay ku balaadhinayso iyo fulinta mashaariicda dekeda Dooraale ma aha oo kaliya heshiis ama iskaashi Masar iyo Jabuuti, balse waa dharbaaxo adag oo ay Qaahira kala kulantay Addis Ababa, gaar ahaan tan iyo markii ay ku soo beegantay sii socoshada muranka biyo xidheenka Renaissance Dam. Dhanka kale, Sarreeye Gaas Maxamed Cabdulwaxid oo ku takhasusay amniga gobolka ayaa Tv-ga Caalamiga ah ee AL-Carabiya u sheegay in Masar ay u dhaqaaqday sidii ay u maamuli lahayd dekedda Doraleh ee istaraatiijiga ah ee Jabuuti, taasoo ah deked aad muhiim u ah, sababtoo ah Itoobiya waxay ku tiirsan tahay in ay daabusho oo ay hesho 95% ganacsiga iyo dhoofinta. Waxa uu intaa ku daray in go’aanka Masar uu yimid iyadoo ay Itoobiya ka dhex jirto xiisad ku saabsan biyo xireenka Renaissance Dam, xaaladda Soomaaliya, iyo amniga Geeska Afrika, taasoo keentay in Masar ay u gudubto qoto dheer oo istiraatijiyadeed. Waxa uu tilmaamay in tallaabadan ay saameyn badan ku yeelan doonto, oo ay ugu muhiimsan tahay in Masar ay hiigsaneyso ilaalinta amniga qaranka iyo amniga Badda Cas, gaar ahaan maadaama dekadda Dooraale ay ku taallo waqooyiga Jabuuti iyo meel u dhow marinka Bab AL-Mandab, taasoo la micno ah joogitaanka Masar oo ku dhow marin biyoodka si ay uga ilaaliso marin badeedka Suweys Canal iyo Badda Cas ee Xuutiyiinta. Waxa uu intaa ku daray in tallaabadan ay sidoo kale uga golleedahay in ay saameyn toos ah ku yeelato maraakiibta caalamiga ah, taasoo Masar siinaysa awood ay uga hortagto khataraha badda ee gobolka iyo inay cadaadis istaraatiijiyadeed ku saarto Itoobiya. Waxa kale oo ay Qaahira siisaa qayb weyn oo gorgortan ah oo ku saabsan muranka Biyo-xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), taas oo sharraxaysa in Masar ay markii hore ku gorgortami jirtay iyada oo aan faa'iido lahayn, halka Itoobiya ay haysato heshiisyo gorgortan ah oo u oggolaanaya in ay sii wado dabacsanaanteeda si ay u fuliso ujeedooyinkeeda. Sarreeye Gaas Maxaamed Cabdulwaxid ayaa intaa ku daray in talaabadani ay muhiim tahay in la go’doomiyo Itoobiya, lana xakameeyo ganacsigeeda, isla markaana cadaadis dhaqaale oo toos ah iyo mid dadbanba lagu saaro Addis Ababa. Waxa kale oo ay balaadhisaa saamaynta gobolka Masar oo ay dekedaheeda ku xidhayso dekedaha Afrika, taas oo xoojinaysa dhaqaalaheeda. Waxa uu sheegay in saamaynta milatari iyo amni ee tallaabadan ay tahay mid muhiim ah, “Masar waxa ay awood u yeelan doontaa in ay saldhig milatari ka samaysato Jabuuti, iskana kaashato amniga tamarta, samaynta warshado tamarta cadceedda iyo dabaysha, iyo in la dhiso golaha ganacsiga Masar, kuwaas oo dhamaantood ah mashruucyo wanaagsan oo dib-u-cusbooneysii doona dheelitirka istiraatiijiga ah, korna u qaadi doona doorka Masar ee awooda weyn ee gobolka. Dhankiisa, Majid Bouzen, oo ah borofisar ku takhasusay sharciga caalamiga ah oo ku sugan dalka Faransiiska, ayaa u sheegay Tv-ga AL-Carabiya in sharciga caalamiga ah uu u ogolaanaya dalalka inay iska kaashadaan maamulka dekedaha iyo fududaynta iskaashiga badda. Sidaa darteed, waddan kastaa wuxuu ka kireyn karaa dekediisa ama agabkiisa badda dal kale, waase haddii ay madaxbannaanidu ku ekaato waddanka kiraynta ah. Waxa uu intaa ku daray in sharcigu u ogolaanaya Masar in ay saldhigyo ciidan ku yeelato ama ay ku sugnaan karto dekedaha dalalka kale, waase haddii la isku afgartay arrintaas. Waxa uu intaasi ku daray inay jiraan wadamo badan oo heshiisyo la mid ah Jabuuti kula jira oo ay ka mid yihiin Faransiiska, Ameerika, Shiinaha iyo Talyaaniga, isla markaana ay joogaan Bab AL-Mandab. Haddaba, joogitaanka Masar oo ah dal weyn oo ku sugan xeebaha Badda Cas ee Jabuuti iyo Bab al-Mandab, waa arrin dabiici ah oo macquul ah oo aan cidna ka cadhaysiinin. Waxa uu sharaxay in danaha istaraatiijiyadeed ee Masar ay ku jirto joogitaanka meel u dhow Bab al-Mandab iyo marinka maraakiibta caalamiga ah si aan ciriiriga loo xirin, sidaas darteedna aysan saameyn ku yeelanaayo Maraakiibta Caalamiga ah iyo Kanaalka Suweys.
XIGASHO-AL-CARABIYA.