DALKA INGIRIISKA OO KA HADLAY DAL KU GALKA E-VISA EE SOOMAALIYA.

(SAWIRKA)-CALAMADA SOOMAALIYA IYO UK.

(LONDON/UK)-Dowladda Boqortooyada Ingiriiska (UK) ayaa soo saartay warbixin cusub oo ku saabsan socdaalka Soomaaliya, taas oo ay muwaadiniinteeda ku wargelisay inay qaataan dal-ku-galka danabaysan ee Soomaaliya oo Somaliland ku jirto lakiin marka ay u socdaan magaalada Hargeysa looga baahanaan karo in ay markale garoonka ka qataan dal-ku-galka Somaliland, halka dadka u socda caasimadda Muqdisho aan looga baahnayn dal-ku-gal labaad. Tilmaantan cusub ayaa lagu faafiyey bogga rasmiga ah ee dowladda UK, waxaana lagu sheegay in ay khusayso dadka sita baasaboorka buuxa ee muwaadiniinta ah ee doorta in ay u safraan Soomaaliya. "Muwaadiniinta u socda Madaarka Caalamiga ah ee Muqdisho waa inay hore u dalbadaan E-Visa ka hor inta aysan iman dalka. Laakiin dadka u socda Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa waxaa laga yaabaa in lagu waydiiyo fiisahaas marka ay diyaaradda raacayaan, balse laguma aqbalayo marka ay Hargeysa tagaan." Sida lagu caddeeyay warbixinta, dadkaas waa inay iibsadaan fiise hal-mar ah (single-entry visa) marka ay gaadhaan garoonka Hargeysa, kaas oo shaqaynaya muddo bil ah. Dowladda UK waxay sheegtay inaan weli la hubin in fiise lagu siiyo meelaha kale ee laga soo galo Somaliland, sidaas darteedna lagu taliyay in dadka safaraya ay xogtooda u gudbiyaan hay’adaha maxalliga ah ama ururka martigelinaya. Waxaa intaa dheer in qofka socdaalka ah laga yaabo in la waydiiyo warqad martiqaad (invitation letter) oo muujinaysa sababta safarkiisa, taas oo inta badan laga helo goobta shaqada ama hay’adda uu u socdo. Haddii aan la keenin warqaddan, waxaa dhici karta in laguu diido gelitaanka Somaliland. Warbixinta ayaa sheegaysa in qofka doonaya inuu galo Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland, uu leeyahay baasaboor ay dhicistiisa ka hadhsantahay ugu yaraan lix bilood. Dowladda UK waxay ku boorisay dadka safaraya inay hubiyaan in baasaboorkoodu buuxiyo shuruudaha lagama maarmaanka ah, isla markaana ayna isticmaalin baasaboorrada lumay ama la soo sheegay in la xaday. Xiisada maamulka hawada ee u dhaxaysa Somaliland iyo Dowlada Federaalka Soomaliya ayaa meel adag maraysa, iyada oo dhinac waliba uu isku dadayo in uu gacanta ku dhigo maamulka hawada. Dowlada Soomaaliya ayaa doonaysa in ay maamusho hawadeeda oo ay Somaliland ku jirto, halka Somaliland ay doonayso in ay gacanta ku dhigto maamulka hawada deegaanadeeda.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

MADAXWEYNIHI HORE EE SOOMALIYA FARMAJO OO SOO GAARAY MUQDISHO.

Next
Next

MASAR,JABUUTI IYO ERITEREEYA OO SI DADBAN U CIQAABAYA ITOOBIYA.