MAXKAMADA KU TAALO DENMARKA OO DACWAD KU SOO OOGTAY…

(SAWIRKA)-SAFAARADDA ISRA’IIL EE DENMARK.

(COPENHAGEN/DENMARK)-Maxkamad ku taal dalka Denmark ayaa labo dhalinyaro Swedish ah ku soo oogtay dacwad Argagixisanimo, ka dib markii ay labo bam gacmeed ku weerareen Safaarada Isra’iil ee Copenhagen sanadkii hore. Labada nin oo da’dooda lagu kala sheegay 18 iyo 21 sano jir, ayaa sidoo kale lagu soo oogay dacwado la xiriira gacan ka hadal iyo isku day dil. "Qofka macmiilkaygu waxa uu qiranayaa in aanu wax danbi ah ku lahayn eedeymaha argagixisanimada," Jakob Buch-Jepsen, oo ah qareenka 18-jirka ayaa maxkamadda u sheegay. Eedaysanuhu waxa uu qirtay danbiga yar ee lagu soo oogay ee ah gacan qaadka. "Wuxuu qirtay inuu ku tuuray laba bam-gacmeed...laakin kuma uu tuurin safaaradda," Buch-Jepsen ayaa yiri, halka macmiilkiisa, oo ku labisan funaanad cad, uu eegay. Sida ay sheegtay warbaahinta dalka Sweden wiilkan dhalinyarada ah ayaa waxaa shaqaaleysiiyay shabakad dambiilayaal ah oo iswiidhish ah oo lagu magacaabo Foxtrot xilli uu ku jiray dugsiga sare. Isla wiilkan ayaa sidoo kale lagu dacweeyay dalka Sweden kadib markii uu toogasho ka geystay safaaradda Israa’iil ee Stockholm 1-dii Oktoobar, 2024-kii. Eedaysanaha labaad, oo xidhan jaakad madaw, ayaa diiday dhammaan eedaha. Labo qarax ayaa laga soo sheegay meel u dhow safaaradda Israa’iil ee agagaarka Hellerup ee magaalada Copenhagen saqdii dhexe ee habeenimo Oktoobar 2, 2024. Sida ay sheegeen dacwad oogayaasha raggan ayaa shan bambaanooyin gacanta laga tuuro ah u qaaday agagaarka safaaradda.Ka dib waxay laba ka mid ah bambaanooyinka gacanta ku tuureen dhanka Safaarada, balse waxay ku dhufteen dhismo ay degan yihiin oo halkaasi ka dhowaa oo ay ku qaraxday. Booliska ayaa aqoonsaday DNA ninka 18-jirka ah mid ka mid ah bam-gacmeedyada, oo laga helay beer, ayuu yiri dacwad oogaha Soren Harbo. Labada nin oo da’doodu kala tahay 16 iyo 18 jir, ayaa lagu qabtay saldhigga tareenada ee Copenhagen, xilli ay isku diyaarinayeen inay u safraan Amsterdam. Dhageysiga dacwadda oo socon doonta muddo lix maalmood ah ayaa loo ballamay, iyadoo maalmahana la fiday, waxaana la filayaa in la soo gabagabeeyo 3-da bisha Febraayo. Weerarka safaaradda ayaa yimid saacado kadib markii safaaradda Israa’iil ay ku leedahay magaalada Stockholm ee dalka deriska la ah ee Sweden lagu weeraray rasaas. Maxkamad ku saabsan dhacdadaas wali ma dhicin. Bishii Maajo 2024, sirdoonka Sweden ayaa sheegay in Iran ay qorto xubno ka tirsan kooxaha dambiilayaasha Swedish si ay u fuliyaan weeraro ka dhan ah hay'adaha Israel, taas oo Tehran ay beenisay.

XIGASHO-AA.

Next
Next

MASAR IYO KENYA MADAXDOODA OO KA WADA HADLAY XAALADDA GEESKA AFRIKA.