MARAYKANKA OO TAAGEERAY MIDNIMADA SOOMAALIYA.
(SAWIRKA)-CALAMADA MARAYKANKA IYO SL.
(WASHINGTON)-Dowladda Maraykanka ayaa faahfaahin ka bixisay sida ay u aragto arrinta la xidhiidha aqoonsiga Somaliland, kaddib hadal-haynta xooggan ee ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland. Warbixin ay BBC-du si gaar ah u baahisay, kuna xigatay xog ay ka heshay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, ayaa lagu sheegay in Washington ay sheegtay in aanu jirin wax war cusub ah oo ay hadda ka bixinayso arrinta aqoonsiga Somaliland. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa BBC-da u sheegay in siyaasadda Maraykanku aysan wax isbedel ah ku iman, isla markaana ay weli aaminsantahay tahay siyaasada midnimada Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, Maraykanku waxa uu xaqiijiyay in uu jiro xidhiidh shaqo oo wanaagsan oo uu la leeyahay Somaliland iyo maamul goboleedyada kale ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la xidhiidha la dagaallanka argagixisada, sugidda amniga, iyo danaha dhaqaale ee wadajirka ah. Hadalkan ka soo yeedhay Washington ayaa imanaya xilli dood xooggan ay ka taagan tahay mustaqbalka Somaliland iyo rajada aqoonsi caalami ah, iyadoo Somaliland muddo ka badan 30 sano si madax-bannaan isu maamuleysay, isla markaana ay hadda waddankii kowaad oo Israa'iil ah ay ka heshay aqoonsi. Warbixintan BBC-da ay baahisay ayaa mar kale muujinaysa in Maraykanku uu ka taxaddarayo inuu beddelo mowqifkiisa rasmiga ah. Dowladada Maraykanka ayaa hore shirkii Qaramada Midoobay uga sheegtay in ay taageersantahay midnimada Soomaaliya, lakiin waxay sheegtay in Israa'iil ay xidhiidh la yeelan karto cida ay rabto.
XIGASHO-HOL.