DFS OO SUMCAD DILKA CAASIMADDA MUQDISHO KA DIIDAY DENI IYO MADOOBE.

(SAWIRKA)-GOLAHA MUSTAQBALKA.

(MUQDISHO)-Sida aan la wada socon, waxaa maanta dib loogu celiyey Garawe iyo Kismaayo diyaarado weday askar iyo dad kale oo hordhac u ahaa Madaxda maamuladaas, hadaba, Waa maxay sababta dib loogu celiyey Ciidamadda hordhaca u ahaa Madaxweynayasha Puntland Siciid C/laahi Deni iyo Axmed Madoobe J/land? Dhawaan ayey ahayd markii gudiyo farsamo kana kala socday DFS iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed eyna xubno ka yihiin Deni iyo Axmed Madoobe ey ku heshiiyeen tirada Ciidamadda loo ogol yahay labadaas hogaamiye Goboleed kuwaaso inta badan sheega in magaaladda Muqdisho eysan Nabad ahayn. Waxaa lagu heshiiyey in la siiyo midkiiba 50-askeri kuwaaso isugu jira 40-askeri oo ku hubeysan qorayaha fudud ee AK-47 iyo 10-askeri oo dhar cad ah kuna hubeysan Bastoolado si ey u sugaan amniga Deni iyo Madoobe, laakin waxaa la xaqiijiyey iney saakay si kutalagal ah Deni iyo Axmed Madoob ey jebiyeen heshiiskaas oo mid walba soo rartay ku dhawaad 100-askeri oo aad hubeysan waxaane intaas sii dheer tirada soo raacaysa diyaaradda ey ku imaanayaan. Sidoo kale, heshiiska waxaa ku jirtay ineysan la imaan karin hub culculus sida Qoriga 7-ka, midka BKM-ka, laakinse hubkaas culculus ayey sidoo kale soo qaateen ciidamadda ey Muqdisho u soo direen Deni iyo Axmed Madoobe. Maadaam ey DFS ey u cadaatay in labadaas qodob si kutalagal ah ey jebiyeen Deni iyo Madoobe, DFS waxa ey go’aansatay in diyaaradaha la celiyo. Dad badan waxa ey is weydiinayaan maxay tahay sababta Deni iyo Madoobe u door bidayaan iney Muqdisho la yimaadaan hub culculus iyo ciidamo aad u fara badan? Tani ma aha taxadar amni, laba boqol oo wiil oo hubeysan wax badan kama gooyso magaaladda Muqdisho oo ey joogaan 20-kun oo askeri, hadiiba ey halis amni filan karaan, taas iyaga xitaa waa ey ogyihiin balse hadafkooda waa Sumcad xumeynta amniga caasimadda Muqdisho kaaso si weyn isu bedelay seddexdii sano ee la soo dhaafay. Go’aanka ey qaateen laamaha amniga ee DFS wuxuu u muuqdaa inuu yahay mid SAX ah oo badbaadiyey Sumcadda caasimadda Muqdisho iyo shaqadii wanaagsaneed ee laga qabtay amniga caasimadda Muqdisho seddexdii sano ee la soo dhaafay. Haddii Deni iyo Madoobe ey daacad ka yihiin imaatinka shirka soo socdo, waxay imaan karaan iyagoo aan waqti isaga dhumin iney Sumcad xumeeyaan caasimadda ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho halkaaso ey maalin walbo si joogta ah oo aan cabsi leheeyn u yimaadiin Madaxda dawladaha deriska ah iyo kuwa caalamka.

XIGASHO-TV-GA ADDUUNKA.

Next
Next

TIRADA DHIMASHADA DUQEYNTII MAXAA SICIID OO KORODHAY.