TIRADA DHIMASHADA DUQEYNTII MAXAA SICIID OO KORODHAY.

(SAWIRKA)-MUJRIM KABA KU DUKADE.

(MASAAJID CALI GUDUUD)-Wararka laga helaayo degmada Masaajid Cali Guduud ee Gobolka Shabeeladda Dhexe ee Dawlad Goboleedka Hirshabeele ayaa sheegaayo in duqeyntii shalay Casirkii lala beegsaday Goob ey ku sugnaayeen Horjoogayaasha kooxda Khawaarijta ALshabaab iyo dad la sheegay iney khawaarijta la shaqeystaan una dhashay degaanka Maxaa Siciid ee hoostaga degmada Masaajid Cali Guduud in tirada rasmiga ah ee dhimashada guud ey tahay ilaa 16-qofood kuwaaso 5-ka mid ey yihiin Horjoogayaasha kooxda Khawaarijta ALshabaab halka inta kale ey yihiin dadka degaanka. Sida ey sheegeen ilo wareedyo xog-ogaala ah weerarkaasi waxaa ku dhaawacantay ilaa sideed qofood ey ku jirto qof haween ah, waxaane jirta in Hogaamiyaha Kooxda Khawaarijta u qaabilsan G/Shabeeladda Dhexe Mujrimka lagu magacaabo Yuusuf Kaba-ku-dukade ku xigeenkiisa ee degaankaasi inuu ka mid yahay dadka ku dhintay duqeynta balse isaga uu ka badbaaday, waxaane dhaawac culus uu soo gaaray Daahir Calasaw oo dadka degaanka nafta u keenay weline xaalkiisa aanuu kala cadeyn una dhexeeyo nolol iyo geeri. Kooxda Khawaarijta oo ka hadashay duqeyntii shalay ee degaanka Maxaa Siciid ayaa sheegtay iney halkaasi ku naf waayeen ilaa 11-qofood oo isugu jira Nabadoon, Culumaa’udiin iyo Waxgarad ka soo wada jeedo Beesha Cabdulle Galmaax ee Wacbuudhan Abgaal. Kooxda Khawaarijta ayaa xustay magacyadda kuwa ey iyada u taqaano Nabadoon ee u soo baada dadkooda waxaane ka mid ah: (1)-Abuukar Axmed Calasaw(Ciribeey). (2)-Ibraahim Maxaa Cadaan(Cibaar). (3)-Ibrahim Axmed Xasan(Geel-Qaad). (4)-Abshir Cabdi Axmed(Macruuf). (5)-Caraale Muuse(Magefe). (6)-Cabdi Suudi Maxamud(Jabyare). (7)-Sheekh Cali Nuur. (8)-C/raxmaan Dhegeey. Dadka kale ey kooxda xustay kana mid ahaay dadkii iyaga shacabka la dhibaateyn jiray ayaa waxaa ka mid ah: (1)-Maxaa Cali Maxaa Dilib. (2)-Sanyare Cali Qawle. (3)-Aw Cali Maxamed Xasan(Winjile). Kulanka ey kooxda Khawaarijta isugu keenta dadka iyada taabacsan kuna sugnaay degaanka Maxaa Siciid ayey kooxdu ku tilmaantay inuu ahaa mid looga arrinsanaayo Abaaraha aafeeyey dad iyo Duunyaba ee uusan ahayn sidii shacabka degaanka Maxaa Siciid looga soo ururin lahaa dhaqaale lacageed iyo Xoolo si loogu bedesho hub iyaga lagu gumaado. Mujrim Kaba-Ku-dukade oo koaxda Khawaarijta ALshabaab u qaabilsan G/shabeelada Dhexe una dhashay beesha Abgaal gaara ahaan Wacaysle ayaa horay ugu soo hungoobay inuu kooxda ka hawlgeliyo degaanada uu isaga ka soo jeedo ka dib markii beeshiisa ey iska diiday dhagartiisa aan kala go’a lahayn iyo gumaadka arxan darradda ah ee uu ka wado gayiga beeshiisa Abgaal. In la soo qabto amaba in la dilo Mujrim Kaba-Ku -Dukade waxa ey nasiino waarta u tahay beel weynta Abgaal ee degta Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, waxaane maalin maalmaha ka mid ah dhinci doonto in Mujrim Kaba-Ku-Dukade uu ku baxo gacanta Sooma Jeestayaasha Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed Inshaa alaah.

SUUQBACAAD MEDIA.

Next
Next

DFS IYO EU-DA OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS KU KACAAYO 102-MILYAN YUURO.