WAKIILKA MIDAWGA YURUB OO NIYAD JAB KU TILMAAMTAY SHIRKA…
(SAWIRKA)-SAFIRKA EU-DA EE SOMALIA.
(MUQDISHO)-Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa muujiyay niyad-jab ku saabsan dib-u-dhacyada ku yimid diyaar-garowga wadahadal siyaasadeed oo muddo dheer la sugayay oo lagu qaban lahaa Muqdisho. Di Mauro ayaa ku qortay barta X in ay ahayd arrin ceeb ah in kooxihii hordhaca ahaa ee ka socday laba ka mid ah dowlad-goboleedyada federaalka aysan maanta soo gaari karin Mqudisho, iyadoo sabab uga dhigtay waxa ay ku tilmaantay is-faham la’aan. Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya waxay mar kale ku celisay rajada Midowga Yurub ee ah in dhammaan dhinacyadu helaan xal si wadahadalku u sii socdo. Kulammada wadatashiga ee la qorsheeyay in lagu qabto Muqdisho ayaa qayb ka ah dadaal caalami ah oo lagu doonayo in lagu jebiyo ismariwaaga siyaasadeed ee soo jireenka ah ee ku saabsan sida Soomaaliya u qaban doonto doorashooyinka sanadkan, ka hor inta aysan dhammaan mudnaanta hay’adaha muhiimka ah. Maalmihii la soo dhaafay, Ergada Midowga Yurub ayaa soo dhaweysay go’aanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ah inay aqbalaan casuumaadda dowladda federaalka si ay uga qeyb galaan madasha wadatashiga ee ka bilaabanaysa Muqdisho 1-da Febraayo. Waxay tallaabadaas ku tilmaameen mid dhisaysa kalsooni, balse waxay adkeeyeen baahida loo qabo jawi ku habboon wadahadallo macno leh.
XIGASHO-HOL.