MARAYKANKA OO DAD U TARXIILAY DALKA ESWATINI EE K/AFRIKA.

(SAWIRKA)-BOQORKA DALKA YAR EE ESWATINI.

(ESWATINI)-Maamulka Madaxweyne Trump ayaa shan Muhaajiriin oo u kala dhashay dalalka “Kuuba, Jamayka, Laaws, Veetnaam iyo Yaman” u tarxiilay wadanka yar ee Afrika ee la yiraahdo ESWATINI Talaadadii shalay ahayd, sida ey shaacisay Waaxda Amniga Gudaha ee dalka Maraykanka. Duulimaadyada musaafurinta ayaa yimid ka dib markii Maxkamadda Sare ee dalka Maraykanka ey u ogolaatay bishii hore in Maamulka Trump uu dib u bilaabo Tarxiilidda dadka Muhaajiriinta ah ee ku wajahan dal seddexaad kaaso aan ahayn halkii ey asal ahaan ka yimaadeen. Ku simaha Agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Fulinta Canshuuraha Todd Lyins ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Musaafurintan oo kale ey ku dhici karto lix saacadood gudaheed ka dib marka la ogeysiiyo duruufaha deg dega ah ee ku hareereysan,Washington Post ayaa markii ugu horeysay sheegtay sheekadaan todobaadkan. Si kastaba ha ahaatee,Agaasime Lyons waxa uu qoraal ku sheegay 9-kii bishan Luuliyo in ICE ey caadi ahaan sugi doonto 24-saacadood ka dib markeey dadka ku wargeliso in la musaafurin doono. “Waxa Cusub”,Dal seddexaad oo badbaado leh Eswatini kuna yaallo K/Afrika oo loo musaafuriyey dad aan u dhallan ayuu duulimaadkii gaaray, duulimaadkan ayaa siday shaqsiyaad ah dad ey dalalkoodii asalka ahaa u dhasheen ey iska diideen in loo keeno sababo la xiriiro iney yihiin dad dembiya galay,sidaas waxa barteeda X ku soo qortay afhayeenka Waaxda Amniga Gudaha dalka Maraykanka Tricia McLaughlin habeenkii xalay oo Talaada ahaa. Dembiyada kala duwan ey galeen dadkaan la musaafuriyey ee lagu helay ayaa waxaa ka mid ahaa”Kufsi iyo Dil” sida ey sheegtay afhayeenka Waaxda Amniga Gudaha ee dalka Maraykanka Tricia McLaughin. Ilaa iyo hadda ma cadda goorta ey saraakiisha maamulka Trump heshiis kula galeen dhigooda Eswatini in Muhaajiriinta loo Tarxiilo wadanka K/Afrika iyo waxa ey yihiin. Wakiiladda Waaxda Amniga Gudaha iyo Wasaatadda Arrimaha Dibadda ee dalka Eswatini ayaan midkoodna uusan ka jawaabin su’aalo ey ey weydiiyeen warbaahinadda, horaantii maanta oo Arbaca ah. Dhinaca kale,afartii bishaan Luuliyo ayey ahayd markii dawladda Maraykanka ey soo gabagabeysay Tarxiilidda sideed qofood oo muhaajiriin ah kuwaaso loo Tarxiilay dalka K/Suudaan oo ey colaaduhu ragaadiyeen. Ragaan ayaa la saaray diyaarad bishii Meey ee la soo dhaafay taaso ku sii jeeday dalka K/Suudaan,waxaane loo weeciyey saldhig ciidan oo ku yaalo Jamhuuriyadda Jabuuti.

ISHA-AXIOS.

Previous
Previous

DFS OO KA HADASHAY DAGAALKII KA DHACAY DHAHAR BAAQNE U DIRTAY…

Next
Next

URURKA TAKHAATIIRTA AAN XUDUUDA LAHAYN OO KU DHEGAN ITOOBIYA,SABABTA?