DFS OO KA HADASHAY DAGAALKII KA DHACAY DHAHAR BAAQNE U DIRTAY…

(SAWIRKA)-WASIIR CALI XOOSH.

(MUQDISHO)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay rabshadihii dhawaan ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, iyadoo ku tilmaantay dhacdadaas mid nasiib darro ah oo laga murugoodo. Wasaaraddu waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada dadkii ku naf waayay falkii dhacay, waxayna caafimaad u rajeysay dadka ku dhaawacmay.

“Wasaaradda waxay ka xun tahay dhacdada ka dhacday degmada Dhahar, waxayna tacsi u direysaa dadka waxyeelladu soo gaartay, iyadoo sidoo kalena caafimaad u rajeyneysa kuwa dhaawacmay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka rasmiga ah.

Wasaaradda waxay dhinacyada ku lugta leh rabshadaha ugu baaqday in ay si deg deg ah u joojiyaan wax kasta oo kicin kara xiisadda, waxayna bulshada deegaanka ka codsatay in ay ilaaliyaan xasilloonida.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh xiisaddan in ay joojiyaan falalka colaadeed, halka bulshada deegaanka aan ugu baaqayno in ay muujiyaan deganaan iyo nabad-doon,” ayaa lagu yiri hadalka wasaaradda.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay si gaar ah ugu yeertay Isimada dhaqanka, Culimada, iyo Waxgaradka in ay door muuqda ka qaataan xakamaynta iyo dejinta xaaladda, si looga hortago in ay sii daba dheeraato ama soo noqoto.

“Waxaan si xushmad leh uga codsaneynaa isimada dhaqanka, culimada, iyo waxgaradka in ay u istaagaan xallinta xiisadda, kana shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa dhacdooyin la mid ah kuwa Dhahar,” ayaa lagu daray.

Dowladda Federaalka waxay sidoo kale baaq gaar ah u dirtay Madaxweynaha Puntland, iyadoo ka codsatay in uu joojiyo ficillada laga yaabo inay sii hurin karaan colaadda, isla markaana uu dib ugu celiyo ciidamada la geeyay degmada Qardho.

“Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa Madaxweynaha Puntland in uu joojiyo falalka keeni kara isku dhacyo hor leh, ayna habboon tahay in ciidamada laga soo celiyo Qardho, kuwaas oo markii hore loogu talagalay in ay la dagaalamaan Khawaarijta balse si khaldan loogu adeegsanayo dano siyaasadeed,” ayaa lagu yiri gebagabadii warsaxaafadeedka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay ku celisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta nabadda, xasiloonida, iyo midnimada dalka, iyadoo ugu baaqday dhammaan dhinacyada in laga fogaado fal kasta oo wax u dhimi kara wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

ISHA-DALAN.

Previous
Previous

QABAA’ILKA DEGA SSCKHATUMO OO QEYBSADAY ERGOOYINKA.

Next
Next

MARAYKANKA OO DAD U TARXIILAY DALKA ESWATINI EE K/AFRIKA.